Warar la isla dhexma marayo ayaa sheegay in Madaxweyne Kuxigeenka Koofurta Suudaan Riek Machar lagu arkay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Riek Machar ayaa dibad joog ahaa kadib markii dagaallo sokeeye ka qarxeen magaalada Jubba, isagoo dhinaca dhulka maray kadibna galay Congo, halkaasoo uu muddo ku sugnaa.
Dowladda Itoobiya ayaa diiday u diiday Riek Machar inuu galo dalkooda markii ay sheegeen inuusan heysan dokumentiyadii looga baahnaa, isagoo ka yimid dalka Koonfur Afrika oo caafimaad ahaan u joogay muddooyinkii ugu danbeeyay. Kadibna wuxuu Riek Macha dib ugu noqday dalka Koonfur Afrika.
Tallaabada Itoobiya ay ku diiday inuu dalkeeda ayaa qeyb ka ah dadaal ay wadeen IGAD oo ah in ninkan hogaamiye kooxeed iyo madaxweyne ku xigeen ahaa laga reebo dadaalka nabadda ee dalka Koonfurta Suudaan.
Sida ay sheegtay wakaalada wararka Fana Broadcasting Corporate, waxaa lagu qasbay Machar inuu ku laabto Koonfur Afrika, isagoo Addis ababa laga soo celiyay kadibna muddo kooban ku sugnaa magaalada Khartoum ee dalka Suudaan.
Sida uu sheegay RadioTamazuj, ayaa soo xigtay Kuong Dak, oo ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaankii Koonfurta Suudaan ayaa sheegay in Riek Machar uu doonayay kulan uu la yeesho Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn si ay uga hadlaan dadaal nabadda Koonfurta Suudaan, laakiin dowladda Itoobiya ay ka hor istaageen inuu joogo dalka Itoobiya.
Warkii ugu danbeeyay ee xaqiiqo ah oo laga soo xigto sarkaal ka tirsan kooxda madaxweyne ku xigeenka Koonfurta Suudaan ayaa ah in Riek Machar lagu xayiray garoonka diyaaradaha Adis ababa dibna loogu celiyay dalka Koonfur Afrika, sida ay soo weriyay Wakaalada wararka Koofurta Suudaan ee SSNA.
Lama soo werin, mana jirto Khad diyaarad oo isku xira magaalooyinka Addis iyo Muqdisho ama Khartoum iyo Muqdisho. Ilo ku dhow saraakiisha dowladda ee Socdaalka ayaa sheegaya in Riek Mashar uu soo gaaray Muqdisho isaga iyo xaaskiisa, inkastoo aan la ogeyn inay sii joogi doonaan Soomaaliya iyo ku hakanayaan.
Imaanshaha kediska ah ee Hogaamiye kooxeedkan ku joogo Muqdisho ayaan weli wax war ah laga soo saarin dowladda Federaalka, iyadoo ay Muqdisho joogaan ciidamo ka socda Midowga Afrika oo aanay suuragal ahayn inuu ku sii negaado Reik Machar.
Wadani.com