Warar kala duwan ayaa laga baahiyay in wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya laga saaray shirkii golaha wasiirada Soomaaliya ee habeenkii Khamiista.
Waxaa la faafiyay in shirka laga saaray wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad muran ka dhashay xil ka qaadistii Hanti dhowraha guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale.
Xogta ay heshay Wadani.com ayaa lagu ogaaday in Wasiir Yuusuf Garaad uu kasoo dib dhacay kulanka Golaha Wasiirada, isla markaana markii uu ku soo biiray ay gabagabo ahayd dooda golaha ee xil ka qaadista hantidhowrka.
Wasiir Yuusuf Garaad ayaa talo ahaan u soo jeediyay inaan lagu degdegin xil ka qaadis, wuxuuna weydiiyay Golaha Wasiirada su’aalo adag oo ku saabsan doorkii uu hanti dhowrka ku ahaa dilka wasiirkii howlaha guud.
Su’aalaha Yuusuf Garaad ayaa waxaa ka mid ahaa: In la hayo caddeyn ah inuu Hantidhowrku amray dilka wasiirka iyo inuu isagu ka dilka geystay iyo inkale?.. waxaana soo dhex galay wasiiro dhowr ah oo ka soojeeda beesha wasiirka la dilay iyagoo ku eedeeyay inuu Wasiirka arrimaha dibadda u hadlayo qaab qabiil.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa la sheegay inuu doodaasi kululaatay joojiyay, isagoo difaacay wasiir Yuusuf Garaad, isla markaana sidaas lagu qaaday codkii golaha wasiirada ee xilka looga qaaday hantidhowraha Nuur Faarax.
Wadani.com