Safiirka Soomaaliya ee Q/Midoobay Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa si weyn loo hadal hayaa inuu wasiir ka noqon doono xukuumadda cusub ee Soomaaliya.
Yuusuf oo bilo kooban xilka diblomaasiyadeed hayay ayaa rajo weyn kasoo gashay dowladda cusub isagoo Muqdisho u joogay olole uu xil cusub ku raadinayo kadib isbedelkii doorashada Soomaaliya ee lagu doortay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Rajada Yuusuf Garaad waxaa sii xoojiyay markii Ra’iisal wasaare loo magacaabay Xasan Cali Kheyre, waxayna wararku sheegayan in dhegta loogu sheegay inuu xilka wasiir ee beeshiisa heli doono. Waxaana arrintan u saamaxday taageero uu ka helay nin ganacsade ah oo ay xigto yihiin oo qaraabo iyo saaxiib dhow la ah Ra’iisal wasaare Kheyre.
Yuusuf Garaad ayaa la soo weriyey in qaar ka mida saaxiiibadii u sheegay inuu wasiir ka noqon doono xukuumadda cusub, taasina uu isku hubo isagoo isu diyaariyay xilkaasi loo magacaabayo oo ah wasiirka arrimaha dibadda.
Taageerayaasha baraha bulshada ee saxafigan hore ayaa si weyn u hadalhaya magacaabiddiisa, iyadoo la ogaan doona saacadaha soo socda.
Wadani.com