Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Maxaa ka khaldamay Weerarkii Alshabaab u Qorsheeyeen Madaxtooyada Somalia..? [Warbixin Xasaasi ah]

    Maxaa ka khaldamay Weerarkii Alshabaab u Qorsheeyeen Madaxtooyada Somalia..? [Warbixin Xasaasi ah]

    July 14, 20183 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Warbixin dheeraad ah ayaa laga helay weeraro loo adeegsaday Gawaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa iyo dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab oo maanta lagu qaaday Madaxtooyada Soomaaliya.

    Qaraxyada ooo mataane ahaa ayaa ka hor inta aysan dhicin waxaa la maqlay rasaas badan oo ay fureen Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo ka hortegay Gaari isku dayey inuu xoog ku jiiro bar ay ka ilaaliyaan Madaxtooyada oo ku taala Isgoyska Ceel-gaabta ee magaalada Muqdisho.

    Ilaalada Madaxtooyada ayaa rasaas ku furay Gaari xoog ku soo gudbay Kontaroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada ee dhinaca Ceel-gaabta waxaana sidoo kale isla gaarigaasi rasaas kale ka hor keenay Ciidan kale oo ku sugan Al-baabka laga galo Madaxtooyada ee ku aadan kontaroolkii uu soo jiiray, Darawalka Gaariga Qaraxa waday ayaa ku beegmay dhinaca Hotel SYL markii ay rasaas kaga timid hore iyo gadaal, waxa uuna markaas la kulmay rasaas kale oo ay Rideen Ciidamada amaanka waxyar kadibna waxaa rogmaday Gaariga qaraxa waday iyadoo markaasna uu dhacay Qaraxii.

    Qaraxa koowaad ayaa burbur xoog leh u geystay Taallada SYL iyo dhismooyinka ku wareegsan oo dhabarka danbe uu uga dhacay, wuxuuna burburka gaaray Waddada Maka Almukarama ee hor marta Madaxtooyada, wuxuuna ku beegmay jidgooyooyin fara badan iyo carro halkaasi taallay.

    Daqiiqado kadib ayaa la maqlay Qarax kale oo xoog leh kaas oo ka dhacay halkii uu ka soo gudbay Qaraxii 1aad ee Kontaroolka Ceel-gaabta waxaana loo adeegsaday Gaari lagu soo raray Qarxyo, xaalada ayaa noqotay mid qasan waxaana xigay dagaal kooban oo qaatay ku dhawaad 20 daqiiqo.

    Arrimo Farsamo ayaa qabsaday Weerarkii qorsheysnaa ee Alshabaab, taasoo ay ugu wacan tahay inay rasaas bilaabtay ka hor inta aanay qaraxyadu dhicin, taasoo keenay in feejignaan dheeri ah ay galaan ciidamada ilaalada ee ku wareegsan madaxtooyada.

    Waxaa muuqata inuu xumaaday isku xirka qaraxyada iyo dableyda weerarka fulineysay, markii Qaraxyada ay dib uga dhaceen xilligii loogu talogalay ayna ka hor mareen ragga dableyda ahaa ee Alshabab ugu yeerto Inqisaamiyiin, kuwaasoo Qaraxa weyn ka hor ay isku dhaceen ciidamada ilaalada madaxtooyada, taasoo yareysay qasaaraha kana hortagtay weerar kale oo Alshabaab toddobaad gudihiis ku doonayaan inay ku galaan Madaxtooyada Soomaaliya ama xarumo muhiim ah oo ku dhow.

    Meydadka saddex dagaalame oo ka tirsan Alshabaab oo ahaa kuwii weerarka soo qaaday ayaa lagu arkay barta koontarool ee Caalgaabta, iyadoo lasoo weriyey qasaare khasaare dhimasho laba qof oo shacab ah,  halka Ciidamada amaanka iyo dad kale oo shacab ah oo dhaawacyo soo gaareen.

    Al-shabaab ayaa sidaan oo kale Sabtidii hore isla saacadaan weerar ku soo qaaday Xarumo muhiim u ah Dowladda Soomaaliya oo u dhaw Madaxtooyada Soomaaliya, weerarka todobaadkii hore ayaa ka dhacay Xarumaha Wasaaradaha Amaanka iyo Arimaha Gudaha iyo Taliska Isgaarsiinta Booliiska Soomaaliya oo dhamaantood ku yaala Otto Otto.

    Waxaa la is weydiinayaa sida ay ku suuragashay in laba gaari oo qaraxyo sida iyo ciidamo hubeysan ku gaareen baraha laga ilaaliyo madaxtooyada iyadoo ay xiran yihiin wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho.

    Alshabab Madaxtooyada Muqdisho Qarax Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyne Farmaajo & Wafdi uu hoggaaminayo oo u dhoofay Shirka Magaalada Brussels ee Arrimaha Somalia
    Next Article Pair of Deadly Car Bombs Rip Mogadishu

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo