Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa si kulul u beeniyay warar laga faafiyay oo ku saabsan kulamo uu la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraadka.
Xaaf oo maanta kasoo laabtay safar uu ku tegay magaalada Nairobi ayuu sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya inuu Nairobi kulamo kula yeeshay saraakiil ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta.
Wuxuu sheegay in safarkiisa ku saabsanaa kulamo uu la yeeshay hay’adaha Deeq bixiyeyaasha iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay, isagoo codsiyo ku saabsan Galmudug hordhigay, isla markaana uu la kulmay Jaaliyadda Soomaalida ee Galmudug.
Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa ku cusub xilka, waxaana socda olole Imaaraadka Carabta kula xiriireyso maamul goboleedyada dalka oo xiriiro toos ah ay la leedahay.
Loolanka ka dhaxeeya dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo isbaheysi leh iyo dalka Qatar ayaa laga cabsi qabaa inuu saameyn weyn ku yeesho siyaasadda Soomaaliya.
Wadani