MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH MAHAMUUD
HORDHAC
Dalkeena Soomaaliya waxaa uu soo maray marxalado kala duwan tan iyo markii ay buurburtay dawladdii dhexe sanadkii 1991. Waxaa dedaallo badan oo noocyo iyo heerar kala duwan leh loo galay sidii dib loogu soo celin lahaa xasiloonidii iyo kala dambayntii, taasoo gundhigeedu ahaa dib u dhiska hanaan dawladeed oo horseeda sinaan, cadaalad iyo midnimo xaqiijisa himilooyinka uu higsanayo dalkeennu.
Dedaaladaa faraha badan natiijadeedu waxaa ay noqodeen dhismaha xukuumado ku meel gaar ah sanadihii 2000-2012 oo qeyb ka ahaa geeddi socodka nabadda iyo hana qaadka hanaan dawladeed oo soo celiya sharafta iyo karaamdii ummaddeenu lahayd.
Bishii Sebtembar 10keedii Soomaaliya waxaa u baryay waa cusub, waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay inuu noqdo madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan oo ah hogaamiye leh aragti siyaasadeed oo cad iyo qorshe fulineed oo ku aadan xal u helidda dhibaatooyinka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee hortaagan dawladnimadeenna waxa uu soo bandhigay 6 qodob oo aasaas u ah dib u yagleelidda dawlad Somaaliyeed oo hana qaad ah oo ka baxda kumeel gaarnimada.
Qodobadaa lixda ah waxa ay noqdeen kuwa loo riyaaqay oo si weyn looga soo dhaweeyay dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Afar sano kadibna waxa suura gashay in Madaxweyne Xasan uu ku guuleysto hirgelinta siyaasado iyo qorshayaal badan oo ku qotoma qodobadaa lixda ah, taa oo saameyn ballaaran oo mug leh ku yeelatay xasiloonida iyo horumarka ka hirgalay dalka mudadaa kooban.
Haddaba waxaan qoraalkan kooban ku soo bandhigi doonnaa guulihii ka dhashay hirgelinta qodobadaa lixda ah iyo saameynta wanaagsan ee ay ku yeelatay dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arri-maha bulshada iyo xiriirka caalamiga ah.
Xafiiska Madaxweynaha