Ciidamadii ugu badnaa ayaa la dhigay Wadooyinka Gala xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo uu jiro kulan shaki badan laga muujiyey oo uu yeelanayo Baarlamaanka waqtigiisu dhammaaday.
Ciidamo ka tirsan Haramcad, NISA iyo Booliska oo wata gaadiid dagaal ayaa lagu arkay Jidadka laga galo madaxtooyada sida isgoyska Ceelgaab, wadada Buundooyinka, Isgoyska Dabka iyo waddada hor marta Dekedda Muqdisho. Waxaa dhammaan wadooyinkaasi loo ayaa loo diiday Gaadiidka.
Waxaa kaloo ciidamo badan lagu arkay agagaarka xarunta Baarlamaanku ku shiro ee Villa Hargeysa, waxaana gudaha Baarlamaanka ka jira xiisad ku saabsan inuu jiro qorshe muddo kororsi ah ah oo guddoonka Baarlamaanka uu doonayo inuu u sameeyo dowladda xilligeeda dhammaaday.
15 xildhibaan oo guddoomiyaha Baarlamaanka ka joojiyey shan kulan inay xaadiraan, kadib markii lagu eedeeyay inay hor istaageen kulankii Sabtidii ayaa ku adkeystay inay tegayaan Baarlamaanka oo aan marna laga hor istaagi karin.
Ajendayaasha kulanka maanta ee la shaaciyey ayaa kala ah:
1- Arrinta Covid-19;
2- U codeynta laba xubnood oo ka tirsan guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha
3- Iyo U Codeynta Sharciga Qaxootiga Qaranka.
Golaha Amniga Qaramada Midoobay iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si weyn uga hor yimid muddo kororsi, waxaana sidoo kale arrintan si weyn uga horjeeda inta badan maamul Goboleedyada.
Kulanka maanta ayaa laga cabsi qabaa inuu fowdo kale dhaliyo, iyadoo ay weli baarlamaanka ku jiraan xildhibaanno mucaarad ah, isla markaana xildhibaannada loo diiday fadhiyada ay ku adkeysanayaan inay kulanka ka qeyb galayaan.
Muddo kordhinta shakiga laga qabay ayaa laga yaabaa inaan maanta la hor keenin Baarlamaanka xaaladda ku wareegsan darteed oo dib loogu dhigo muddo kale, balse ujeedka ugu weyni uu noqdo in la maquuniyo 15-ka xildhibaan ee laga joojiyay fadhiyada Baarlamaanka.
