Waxaa magaalada Muqdisho ka socda diyaar garow laba dhinac ah oo ku saabsan bannaanbaxa ay Berri oo Jimce ah qabanayaan Musharixiinta madaxweynaha, iyadoo dadaallo badan oo dowladda ku dooneysay inay ku hor istaagto ay fashilmeen.
Musharixiinta ayaa qeybo kala duwan oo ka mida magaalada ku diyaariyey bannabaxayaal, waxayna madaxda hoggaamineysa bannaanbax qaarkood sii degeen Hoteello u dhow Fagaaraha Daljirka Dahsoon oo bannaanbuxu ka dhacayo, sida madaxweynayaashii hore ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo xalay degay Hotelka Maa’ida (Ex. Naasahablood II).
Ciidamada ilaalada u ah Musharixiinta Madaxweynaha ayaa sugaya amniga goobaha qaarkood sida Hotelka Maa’ida oo ay sidoo kale degeen siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi, ayna tegi doonaan musharixiinta kale, waxaana socda abaabulkii ugu danbeeyay ee labada dhinac ugu jiraan qabsoomidda iyo ka hortagga bannaanbaxa.
Amniga Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la adkeeyay iyadoo ciidamo badan la geeyay dhinacyada laga soo galo Madaxtooyada oo lagu arkay gawaarida Beebayaasha iyo kuwa gaashaaman, waxaa kaloo wararku sheegaaan in Hay’adda NISA ay ciidamo badan oo Dhar cad ah geysay Taallada Bannaanbuxu ka dhacayo iyo Hoteelada u dhow oo Musharixiinta looga cabsi qabo inay degaan ama iska abaabulaan.
Xaaladda Caasimadda ayaa degan iyadoo iyadoo la wada sugayo Jimcada loo ballansan yahay bannaanbaxa looga horjeedo Madaxweynaha xilligiisa dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo hadda dadaal ugu jira wax kastoo ay ku qaadato inuu joojiyo mudaaharaadka ka dhanka ah.
Farmaajo iyo xukuumadda xilka sii heysa ayaa qaaday tallaabooyin ay ku hor istaagayaan bannaabaxa ay wadaan Musharixiinta Mucaaradka, waxayna shalay oo ugu danbeysay soo saareen amarro lagu mamnuucayo isu soo baxyada cudurka Covid-19 awgiis. Dhinaca kale waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta dagaal ku dhex marayaa taageerayaasha Farmaajo iyo mucaaradka oo isku haya bannaanbaxa.