Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta socdaal degdeg ahaa ku tegay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa markii uu tegay halkaasi, waxaa kulan gaara uu la yeeshay Ugaaska cusub ee Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Kulanka oo ahaa mid albaabada u xiran yihiin ayaa wararku sheegayaan in Ugaas Xasan loo wakiishay la xaajoodka madaxweynaha. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in shirka madaxweynaha iyo Ugaaska ay isku soo dhowaadeen oo lagu balamay in shirkii maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe dib loo furo.
“Waqti dhow ayaa lagu laabanayaa magaalada Jowhar, sidii ay hore u ahayd, wixii madaxweyne Wareegto ku soo saaray sidoodii ayaa loo aqbalay, wixii dhiman ugaaska iyo madaxweynaha waa isla soo dhoweeyeen, wixii harsan waa la dhameystirayaa…” ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo sheegay in odayaasha gobolka Hiiraan ay wakiisheen Ugaaska isla markaana Ugaaska iyo Madaxweynaha ay heshiiyeen.
Wadani.com