Shirarkii wadatashiga qaabka doorashada dalka ka dhaceysa oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalooyin badan oo dalka ka mida, ayaa magaalada Garowe waxaa goobjoog ka ahaa Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camey iyo wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa).
Shirarkii ka dhacay Puntland, gaar ahaan magaalada Garowe waxaa guud ahaan ka soo baxay hal mowqif, iyadoo su’aalaha hor yaallay ay ahaayeen afar qaab oo kala duwan:
- Doorashada Soomaaliya ma waxay noqon kartaa 4.5?
- Ma waxay noqon kartaa nidaamka axsaabta badan.?
- Ma waxay noqon kartaa afar dhibic shan oo awood badan loo siinayo mamulada dalka?
- Mise waxay noqon kartaa qaab deegaan?
Shirarkii ka dhacay Puntland ayaa gunaanadoodkii ahaa kuna biyo shubtay in “QAAB DEGAAN (DEGMO)” lagu saleeyo doorashada, taasoo wasiirka arrimaha gudaha loo sheegay inuu mowqifka Puntland gaarsiiyo dowladda.
Arrintan ayaa loo arkaa inay tahay mid hore loo diyaariyay oo lagu saleeyay rabitaanka maamulka Puntland, iyadoo degmooyinka dalka ka jira intooda badan la isku heyso oo aan wax la iska weydiin nooca loogu saleynayo.
Wadani.com