Kulankii ugu horeeyay ayaa maanta dhex maray labada guddoon ee Aqalada Baarlamaanka Soomaaliya ee dhowaan la doortay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in labnada guddoon la isku yiraahdo Guddoonka Golaha Shacabka, isagoo sheegay inay ka wadahadleen xoojinta wada shaqaynta labada Aqal.
Labada Guddoon ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku raacay in Guddiga Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee wadajirka ah lagu magacaabo kulan ay beri yeelan doonaan labada Gole.
Guddiga Doorashada labada aqal ayaa marka la magacaabo kadib sameysan doona hogaan iyagoo markaas kadib ku dhawaaqi doona xilliga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha.
Wadani.com