Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Maxaa kala haysta xukuumada Kheyre & Warbaahinta Bulshada?! [Qormo]

    Maxaa kala haysta xukuumada Kheyre & Warbaahinta Bulshada?! [Qormo]

    August 28, 20172 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Saameynta Warbaahinta ee Bulshada ayaa lagu tilmaamaa awooda ugu sareysa ee ay adeegsadaan dawladaha caalamka ka jira maanta si ay u helaan taageerada Bulshada ugana hortagaan mucaaradka iyo dhaliilaha dadweynaha.

    Xukuumada Khayre waxaa lagu tilmaamaa tan ugu adeegsiga badan Xukuumadihii soo maray dalka warbaahinta, gaar ahaan Baraha Bulshada, ilaa durba loo bixiyo magacyo la xiriira adeegsigaas sida; dawlada Facebook-ga, dawlada Twitter-ka, dawlada igu sawir, dawlada ku dayo iwm.

    Adeegsiga warbaahinta awgeed dawlada M. Farmaajo iyo RW Khayre waxey ku guuleysatay arimo ay ku fashilmeyn dawladihii ka horeeyey sida:

    1. Inay doorashadii kaga guuleystaan Madaxweynihii iyo Ra’salwasaarihii hore oo heystay awooda iyo dhaqaalaha dalka iyo Musharaxiintii kale ee la tartameysay.

    2. Inay helaan taageeradii Bulshada ee ugu badneed dawladihii nasoo maray.

    3. In loo arko dawladii ugu wadani-saneed ee soo marta dalka kadib Kacaankii October.

    4. In loo arko dawlad ay shacabku leeyihiin oo aan laga laheen dibadda.

    5. In Barlamaanka iyo Kutlooyinkiisa mucaaradku ka baqaan la-xisaabtanka iyo Mooshinada Xukuumada, kadib markii ay derbi difaac ka dhigteen Shacabka iyo Saxaafada.

    6. In dhammaan Wasiirada Khayre ay khubaro ku yihiin adeegsiga Facebook-ga iyo Twitter-ka, lamana oga in lagu tababaray ama ay horey u yaqaaneen oo shuruud looga dhigay magacaabistooda.

    7. In Ingineerka dawlada uu yahay Saxafi ku xeel-dheer adeegsiga Warbaahinta.

    8. In ay ku guuleytaan taageerada 90% hay’adaha iyo shirkadaha warbaahinta dalka iyo suxufiyiinta, lana gaarsiiyo in ay hoos u hadasho warbaahinta Mucaaradku.

    9. In dawlad-gobaleedyadii ku dhiiran-jiray hanjabaada dawladihii hore ka baqaan taageerada shacabka iyo saxaafada dawladaan.

    10. In dawladihii shisheeye ee fara-gelinjiray dalka ka gaabsadaan dawladaan inta ay haysato saxaafada iyo shacabka.

    Warbaahinta oo ah seef laba afle ah ayey xakameyn-weyday Xukuumada Khayre gaar ahaan gudaheeda inta aan la gaarin dibadeeda, duduna malaha dareynsi iyo dawaansi, waxaana go’aan adag laga soo saaray Wasiirada iyo Taliyaasha in aysan adeegsan karin Saxaafada iyada oo aan fasax laga qaadan Xafiiska RW, hadii Wasiir loo diiday-na inta ka hooseysa waa weysha gowrac dibi ha quus-qaatee.

    Hadaba dawladu ma noolaan kartaa saxaafad la’aan? Shacabku xagey u marinayaan taageerada? Yaa mucaaradka ka difaacaya hadii ay ka aamusaan warbaahinta? Hadii wasiirada laga joojiyo qoraalada baraha bulshada! Maxey taageerayaashu Like-saarayaan, Share-gareynayaan, Comments-saarayaan, Bogaadinayaan? Hadii aysan ilaashan dawladu wixii ay ku liibaantay maxey qorshe kale u heysaa Bulshada oo ay ugu bedelee???

    w/Q: Dr. Maxamed Gacal

    xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddiga Dowladda Soomaaliya oo gaaray Degaanka Bariire, Gobolka Sh/Hoose
    Next Article Aqalka Sare oo ku soo biiray Baaritaanka Weerarkii Bariire & Guddi loo xilsaaray [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo