Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Maxaa kala Qabsaday Ciidamo Boolis ah iyo ilaalada Xildhibaan Mahad Salaad..? [Akhriso Qisada]

    Maxaa kala Qabsaday Ciidamo Boolis ah iyo ilaalada Xildhibaan Mahad Salaad..? [Akhriso Qisada]

    October 17, 2018Updated:October 17, 20182 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa faahfaahin ka bixiyey dhacdo ku qabsatay maanta isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. markii ilaaladiisa iyo ciidamo amniga ay ku sigteen inay isku dhacaan.

    Wuxuu sheegay in rasaas ay goobta ka dhacay xilli uu isagu u soo degay askari u diiday inuu dhaafo Isgoyska, wuxuuna caddeeyay in markii danbe raali gelin laga siiyey falkaasi, iyadoo baarlamaanka  uu Guddi u saaray arrintan.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA MAHAD SALAAD

    Sharaf iyo karaamo ayaan u haynaa ciidamada qalabka sida, lkn waa in ay dhowraan xorriyada isku socodka shacabka ah iyo xasaanada dadka mas’uuliyiinta ah.

    Saakay 10:00 subaxnimo aniga oo u socda xarunta Golaha Shacabka ayaa ISGOYSKA SOOBE waxaa nagu celiyay ciidamo Boolis ah oo wadadu u xirneed. Kadibna waxay amar nagu siiyeen inaan KALA WAREEGNO (laabano). Waxaan u sheegay inaan Xildhibaan ahay, una socdo xarunteyda shaqo ee Golaha Shacabka. Waxayna nagu dhaheen amar ayaan qabnaa oo kuma sii daynayno. Waxaan ka codsaday in ay noogu yeeraan taliyehooda. Wuxuuna ii sheegay askarigii ila hadlayay in uu isagu meeshaan taliye ka yahay, amarna uu qabo uusana na sii daynayn!

    Kadibna qori ayuu inta nagu qabtay amar ku bixiyay inaan kala wareegno. Ciidamo ilaalo ah oo ila socday ayaa dagay oo ku yiri qof mas’uul ah ayaan wadnaa ee qoriga naga leexiya. Kadibna waxay bilaabeen ciidankii ila socday in ay qoryaha kula dhagaan.

    Gaariga ayaan kasoo dagay waxaanan ka codsaday in qoryaha askarta ay ka fuqaan iina ogolaadaan inaan la hadlo taliyehooda. Kadibna xabado ayaa nalugu riday. Mudo kadib ayaa waxaa noo yimid saraakiil boolis ah waxayna balan qaadeen in ay tilaabo ka qaadi doonaan askartii falkaan ka mas’uulka ahaa.

    Golaha Shacabka ayaa gudi usaaray mudo 48 saacadood ah in ay jawaab uga keenaan arintaan iyo arimo kale oo dhowr jeer soo laablaabtay oo lagula kacay Xildhibaanada.

    Sharaf iyo karaamo ayaan u haynaa ciidamada qalabka sida, waanan ku bogaadinaynaa mas’uuliyada amni ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay u hayaan. Lkn waa in ay dhowraan xorriyada isku socodka shacabka ah iyo xasaanada dadka mas’uuliyiinta ah. Mahadsanidiin. [Hon. Mahad Salad]

    Baarlamaanka Ciidamada Booliska Mahad Salaad Muqdisho Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada Amniga oo hor istaag ku sameeyay Xildhibaanno & Guddoomiye Mursal oo War kasoo saaray [Daawo]
    Next Article XOG CUSUB: Dilkii Jamal Kashoqgi oo lugaha la galay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo