Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Maxaad kala socotaa Barnaamijka Deeqaha Waxbarasho ee Hormud Telecom soo bandhigtay?

    Maxaad kala socotaa Barnaamijka Deeqaha Waxbarasho ee Hormud Telecom soo bandhigtay?

    April 25, 2019Updated:April 26, 20194 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Barnaamijkan deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom ayaa ujeedkeedu yaahy in Hormuud telecom ka qayb qaadato kor u qaadidda iyo kobcinta aqoonta ardaya Soomaaliyeed ee dhammeysta dugsiyada sare, deeqda waxbarasho ee ay soo bandhigay Hormuud ayaa ah heer jaamacadeed iyada oo guud ahaan ardayda dhammeysa dugsiyada sare ay kaqaybgeli karaan islamarkaana heli karaan deeqadan waxbarasho, ardayada buuxisa shuruudaha ku xiran helidda deeqadan ayaa ah kuwa sida buuxda uga faa’iideysan doona deeqda waxbarasho.

    Habka loo qaadanayo ardayda ka faa’iideysaneysa deeqada waxbarahso ee Hormuud ayaa ah imtixaan lagu gelayo 11 maaddo kaas oo ay ka qaybgelayaan labada boqol ee arday ee ugu sarreysa imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare iyada oo soddonka arday ee ugu sareysa tiradaas labada boqol ah ay heli doonaan deeqdan waxbarasho ee Hormuud.

    Soo bandhigga Barnaamijkan deeqda waxbarasho  ee  Hormuud waxaa kaqaybgalay Wasiiro, Xildhibano, agaasimayaal, gobolka Banaadir, culimo, ganacsato, ururada bulshada iyo marti  badan oo kaladuwan

    Basma Caamir guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay in ay Barnaamijka deeqada waxbarasho ee Hormuud uu yahay mid muhiimad gaar ahaaneed u leh dadka Soomaaliyeed ayna gobol ahaan dhiirrigelinayaan shaqada iyo howlgalka Hormuud, waxa ay sheegtay u soo jeedisay Hormuud  in ardayada aan helin waxbarashada heerka jaamacadda ee kaqalin jebisay dugsiyada sare xilli hore ay muhiimad gaar ahaaneed siiso ardaydaas.

    Jawaahir Baarqab oo kuhadashay magaca haweenka gobolka Banaadir ayaa sheegtay in ay haween ahaan aad ugu faraxsan tahay kaalinta horumarinta waxbarashada iyo soo bandhigidda Barnaamijka deeqada waxbarasho oo ay sheegtay in ay door muhiim ah ka qaadan doonto dhiirrigelinta waxbarashada dugsiga illaa jaamacadda.

    Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ku hadlay magaca bulshada rayidka ayaa kasheegay munaasabadda in lacagtu aanay ahayn oo keli ah qaadasho balse ay soo celinna ay jirto sidaas awgeedna ay tahay in canshuuraha iyo lacagaha ay qaataan shirkadaha ganacsiguna ay tahay in bulshada dib loogu celiyo sida Hormuudba ay sameysay.

    Guddoomiye kuxigeenka Rugta ganacsiga Soomaaliyeed  Cabdiraxmaan Galaanbe oo kahadlay munaasabadda ayaa sheegay in soo bandhigidda Barnaamijkani uu kadhigan yahay rajo weyn oo ay helayaan ardayada Soomaaliyeed sidaas awgeedna ay ardayda ka faa’iideysn doonta barnaamijkan ay iyagana waajib ku tahay in sida loogu tabcay ay tahay in iyaguna ay ugu tabcaan dalka Soomaaliyeed.

    Guddoomiyaha guddiga ganacsiga ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Beene-beene ayaa sheegay in Barnaamijka deeqada waxbarasho uu muujinayo rejo iyo yididiilo weyn oo kaalin fiican ka qaadan karta waxbarashada

    Sarreeye Guud Bashiir  Maxamed Jaamac  taliyaha ciidanka Usluubta ayaa sheegay in marka ay dareemaan culeys soo wajahaya tusaale ahaan Usluubta oo kale  ay la xiriiraan Hormuud Foundation, waxa uu codsaday in waxbaridda dhallinyarada xoog badan la geliyo si looga baaqsado dhibaato ay sameeyaan dhallinyaradu.

    Waxa uu si gaar ah u codsaday in dhallinyarada kujirta laamaha kaladuwan ee ciidanka qalabka sida ay hesho waxbarasho isaga oo sheegay in waxbaradda dhallinyaradaasi ay kaalin weyn ka qaadan doonto hagaajinta nabadgelyada iyo in jidadka si fiican loogu shaqeysto.

    Guddoomiyaha shirkadda Hormuud Cabdikariin Kaariye  ayaa sheegay in barnaamijkan deeqda waxabrasho uu qayb ka yahay barnaamijyada lagu taakuleynayo laguna taageeryo dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isaga oo kahadlayey dhinaca dumarka ayuu sheegay in dhammaan xarumaha waaweyn ee Hormuud ay dumarku ka shaqeeyaan isaga oo xusay in 158 qof oo ah shaqaale ka geeriyooday ama ka duqoobay Hormuud  kuwaas oo lagu beddelay  dad ay keensadeed qoyskoodu ay 42 kamid ah ay yihiin dumar.

    Cabdikariin Kaariye Guddoomiyaha shirkadda Hormuud ayaa kasheegay munaasabadda in tayeynta iyo hagaajinta jaamacaduhu ay dabooli karto baahida guud ee dhinaca waxbarashada kahaysata guud ahaan dalka

    Faysal Cumar Guuleed wasiir kuxigeenka wasaaradda Waxbarashada oo Hormuud uga mahadceliyey soo bandhiggidda barnaamijka deeqaha waxbarashada ayaa sheegay in waxaasarradda waxbarashadu ay kujirto dadaal ballaaran oo dib loogu hagaajinayo waxbarashada, waxa uu sheegay in wasaaraddu diyaarineyso dhismaha guddiga tacliinta sare, taasina ay fududeyn doonto hagaajinta tacliinta sare iyo guud ahaan waxbarashada.

    Eng: Cabdi Cashuur Xasan wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda ayaa sheegay in Hormuud Telecom ay kadhabeysay magaca ay sidato ee Isgaarsiineed isaga oo weydiistay Hormuud in dhallinyaro badan oo halabuur iyo waxbarasho fiican leh ay la’yihiin meel ay kusoo bandhigaan hal-abuurkooda sidaas awgeedna ay u baahan yihiin dhismaha meel ay kusoo bandhigaan hal-abuurkeeda, isaga oo kudhiirrigeliyo shirkadaha kale in Hormuud tusaale u noqoto si iyaguna ay kaalintooda u qaataan.

    Soo bandhigidda iyo hirgelinta ololayaal nuucaan ah ayaa kaalin libaax ka qaadan kara sidii ay kumanaan arday oo Soomaali ah oo dhammeeyey dugsiga sare balse awoodi waayey qarashka jaamacadda ay ku heli lahaayeen fursad ay ugu biiraan Jaamacadaha.

    Deeqda waxbarasho ee Hormuud Hormuud Hormuud Foundation Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSenator ka tirsan Aqalka Sare oo Garowe ka sheegay inuu ‘kacdoon’ soo wajahay dowlada Somalia
    Next Article Dowladaha Somalia iyo Norway oo yeelanaya xiriir wax-wadaag oo istiraatiiji ah (War-saxaafadeed)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo