Kulankii madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ruushka ayaa goor dhoweyd soo dhammaaday iyadoo ay shir jaraa’id oo wadajir ah qabteen Madaxweyne Donald Trump iyo dhiggiisa Ruushka Valadamir Putin.
Shirkii jaraa’id ee ka dambeeyay kulankii magaalada Helsinki ee dalka Finland ayuu madaxweyne Trump ka sheegay in uu kulankooda ahaa bilow wanaagsan, kadib markii ay muddo laba saacadood ah isu keliyeysteen kulan ay kaliya ka qeyb galeen tarjubaanno kaliya.
Madaxweyne Trump ayaa caddeeyay in xiriirka Mareykanka iyo Ruushka uu ahaa mid xun, balse ay saacado ka hor isbedeleen wax waliba, wuxuuna intaas ku daray inay labada dalba sameeyeen axmaqnimo, isagoo rajeeyay in xiriirka labada dal uu soo hagaago.
Mar wax laga weydiiyey in Ruushka uu faragelin ku sameeyay doorashadii 2016 ee Mareykanka iyo inuu arrintaasi kala hadlay ayuu sheegay in Madaxweyne Putin uu si weyn u diiday arrintaasi, isagoo dood ka keenay qaabka Ruushka u jabsaday xogtii Xisbiga Dimoqraadiga.
Madaxweynaha Ruushka ayaa si weyn u difaacay dalkiisa, isagoo sheegay inuusan Ruushku wax lug ah ku lahayn eedeynta ku saabsan faragelinta doorashada Mareykanka, wuxuuse qiray inuu doonayey inuu doorashada ku guuleysto Donald Trump.
Saxaafadda Mareykanka ayaa si weyn u qaadaa-dhigaya muuqaalkii iyo hadaladdii Trump, iyagoo ku tilmaamay inuu isu dhiibay madaxweyne Putin, waxaana dood weyn ka furantay in Donald Trump uu noqday qof gacanta ugu jira Ruushka.
Jawaabaha kasoo baxaya mudayaasha koongareeska, siyaasiyiinta iyo faallo-bixiyeyaasha Mareykanka ayaa dhammaantood isku raacsan daqiirado kadib shirkii jaraa’id ee Trump iyo Putin cambaareyn iyo weerar ku socda madaxweyne Trump.