Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan qado ah la yeshay Duubabak iyo Odayaasha dhaqanka Beesha Mudullood, kadib 48 saacadood oo kulan noocan oo kale ah oo madaxweyne Farmaajo la yeeshay isla odayaasha Beeshan.
Kulanka oo ka dhacay Guriga Ra’iisal Wasaaraha ayaa looga hadlay xiriirka odayaasha dhaqanka Beesha iyo Ra’iisal Wasaaraha, waxaana la iska wareystay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda amniga, siyaasadda iyo qorshaha xukuumadda.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa Odayaasha Beesha Muddulood uga warbixiyey qorshihiisa iyo xoojinta xiriirka uu la leeyahay beeshan, wuxuuna u sheegay inuu kalsooni weyn ku qabo, una arko inuu ka mid yahay iyaga, albaabadiisuna u furan yihiin mar waliba.
Odayaasha Beesha oo ay magacooda ku hadleen Imaam Maxamed Yuusuf iyo Odayaal kale ayaa taageero weyn u muujiyey Ra’iisal wasaare Kheyre iyo xukuumadiisa, waxayna u caddeeyeen inay taageersan yihiin xukuumadda uu hoggaamiyo, wixii qas wadana ay dhinac ka istaagi doonaan.
Kulanka oo la isku dhaafsaday hadiyo dhaqan iyo haddallo taageero ah ayuu Ra’iisal wasaare Kheyre warbixin ka siiyey odayaasha go’aano hore uga soo baxay hay’adaha dowladda oo ay cabasho ka keeneen odayaasha, isagoo u xaqiijiyey inaysan dhici doonin xadgudub lagu sameeyo hantida iyo dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho.