Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa la kulmay taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida ee dalka iyo agaasimaha cusub ee Hay’adda NISA.
Waxaa sidoo kale kulanka ka qeyb galay Guddomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Xeer ilaaliyaha Maxkamaddaas, isagoo kala hadlay xoojinta amniga dalka, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, amniga doorashooyinka iyo dardargelinta howlgallada la dagaallanka argagixisada.
Qodobka ugu wey ee Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa ahaa inuu faray Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo xeer ilaalinta Maxkamadda inay dardar geliyaan baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil, isagoo dhinaca kale taliyeyaasha u sheegay inay howsha u fududeeyeen Maxkamadda ciidamada.
Waxaa xusid mudan in kulanka uu goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey. Waxa sidoo kale loo yeetay taliska Booliska iyo Nabadsugidda Gobolka Banaadir.
Xiisada ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil ayaa dhalisay khilaaf ka dhex aloosmay Madaxweynaha xilligiisa dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.




