Waxaa xalay hotel ku yaalla xarunta Xalane ka furmay shirkii ugu horeeyay ee at isugu yimaadeen madaxweynayaasha shanta Maamul Goboleed ee dalka.
Shirkan oo qabanqaabadiisa ay lahayd Beesha Caalamka, isla markaana uu suurageliyey Madaxweynaha Galmudug ayaa ilo ku dhow waxay sheegeen inaan wax go’aan ah lagu gaarin, balse la isku dhaafsaday dood ku saabsan xaaladda cakiran ee doorashada iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan shirkii Wadatashiga.
Arrimaha ugu weyn ee laga dooday ayaa waxaa ka mid ahaa: Shuruudaha ay wataan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ee sida tooska ah ugu wajahan Kaalinta madaxweyne Farmaajo ku yeelanayo doorashada iyo inaysan u aqoonsaneyn madaxweyne.
Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa difaacay mowqifkooda, kuna dooday inay kaalintooda qaataan saddexda Madaxweyne ee taageersan Madaxweyaha xilkiisu dhammaaday, laakiin Qoorqoor iyo Lafta-gareen ayaa isku difaacay in Deni iyo Axmed Madoobe ka mid yihiin caqabadaha hortaagan Doorashada, isla markaana ay xaaladda uga sii daranayaan, maalin kastana shuruudo cusub soo kordhinayaan.
Qodobka ugu weyn ee laga dooday ayaa noqday jadwalka shirka watashiga Doorashada ee madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada sidii looga heshiin lahaa iyo inaanu shirkaasi guddoomin Farmaajo, kadibna la helo damaanad lagu fuliyo heshiisyada la gaaro.
Kulanka oo socday muddo ka badan 4 saacadood ayaa lagu soo gabagabeeyay in dib la isugu soo laabto maalin kadib, waxaana la sheegay in Madaxweynayaasha Axmed Qoorqoor, C/casiis Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe ay la-tashiyo ugu laabanayaan Farmaajo.
