Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Maxaa keenay Cadaadiska Siyaasadeed ee la saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir..? (Warbixin)

    Maxaa keenay Cadaadiska Siyaasadeed ee la saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir..? (Warbixin)

    January 20, 20184 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed oo uga imaanaya Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, tan iyo markii Guddoomiyuhu ku dhawaaqay shir looga tashanayo aayaha Gobolka Banaadir, si dadka ku nool Gobolka ay u helaan xuquuqdooda matalaad si la mid ah gobollada kale ee dalka.

    Cadaadiskan oo qaab beeleed u abuubulan ayaa sii kordhay, kadib markii guddoomiyaha gobolka Banaadir ka qeyb galay shirarkii wadatashiga oo uu barbar fariistay madaxda maamul goboleedyada, taas oo loo fasirtay in gobolka Banaadir uu u soo jeestay xuquuqdiisa maamul, iyadoo la marayo nidaamka Federaalka ah ee Soomaaliya qaadatay sanadkii 2004.

    Shirka muddeysan 28ka bishaan ee looga tashanayo arrimaha caasimadda ayaa xiisaddan bannaanka keenay, kaddib markii uu Duqa Muqdisho ku adkeystay qabsoomidda shirkaas oo xal u noqon kara maqaamka caasimadda.

    Saameynta Taabid iyo Dhibsashada Saaxiibadiisa Villa Soomaaliya ku dhow dhow:

    Dhacdooyinkii ay dowladdu wajahday muddada ay jirtay ee hoos u dhigay sumcadda xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisu wasaaraha, Thaabit waxa uu noqday siyaasi aysan saameyn oo xallinteeda sumcad ku helay, maadaama uu u muuqday siyaasi aan dhex maquuran ceebahaasi, Kasbasahda dadka dowladda dhaliila ee uu kasbaday ayaan laga jecleysan Madaxtooyada.

    Warbaahinta gudaha iyo dibadda ayuu si aad ah u soo jiitay, maadaama uu ka shaqeynayay arrimaha bulshada iyo samafalka, waxaana lagu tilmaamay in uu qaatay kaalintii uu Farmaajo qaatay markii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa, taasna ay keeni karto inuu xilal waaweyn ka qabto dowladda Soomaaliya.

    Ku dhowaanshaha Madaxweynaha oo dhan ah iyo kasbasahda bulshada oo dhan kale ah ayaa dhalisay su’aala badan oo Madaxweynaha saaxiibadiis is weydiiyeen.

    Maxaa keenay Cadaadiska Siyaasadeed ?

    Cadaadiska siyaasadeed ee soo fuulay Guddoomiyaha ayaa ka soo bilowday wixii ka dambeeyay 17-kii bishii December ee sanadkii hore markii la weeraray Hoyga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo xarigii loo geystay xilligaasoo Guddoomiye Taabid muujiyay sida uu uga xun yahay falkaas, isla markaana ka qeyb qaatay dadaaladii ay wadeen Odayaasha dhaqanka iyo Madaxda dowlad goboleedyada ee lagu sii daayay.

    Sidoo kale waxaa Guddoomiyaha muujiyay door iyo firfircooni ku aadan beelaha Muqdisho, taas oo culeys ku noqotay Madaxda qaar ee dowladda, iyagoo u arkayay in tani ay tahay mid saameyn ku ah ku negaanshahooda xafiiska.

    Dhacdadii weerarkii Guriga Senator Cabdi Qeybdiid

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa mar kale muujiyay sida uu ugu xun yahay falkii Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ku weerareen Hoyga Senator Cabdi Qeybdiid, waxaana uu ahaa Mas’uulkii u horeeyay ee taga Guriga Senator-ka, isla markaana ku dhawaaqay in falkaas lagu galay Guriga Senator-ka Xasaanadda leh mid aan la aqbali karin.

    Maamulka Amniga Muqdisho

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa ka sokow culeysyada siyaasadeed ee uu wajahayay waxaa qeyb ka ahaa dhanka Amniga Muqdisho oo uu juhdi badan gelinayay, sidii magaalada Muqdisho u yeelan laheyd maamul amni oo ka bilowda min xaafad illaa degmo, si amniga magaalada ay u yeelato cid lagala xisaabtamo, isla markaana mas’uuliyadda amni lagu wareejiyo Maamulka.

    Maxaa isku soo beegay shirka Muqdisho iyo wareegtadii Madaxweynaha ee Ilaalinta Hantida Danta Guud.

    Wareegtadii shalay ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in aan dhulka danta guud la hibeyn karin, la bixi karin, isla markaana wixii la bixiyay kaddib 8 February ay aheyd mid sharci darro ah.

    Inkastoo wareegtadaas aanay si toos ah ugu socon xafiis la magac dhabay, hadana waxaa loo fasiranayay mid ku socota Gobolka Banaadir oo ay u muuqatay mid sumcad ka dilid lala damacsan yahay Maamulka Gobolka Banaadir iyo in buuq lagu furo shirka dhici doona 28-ka bishan.

    Wareegtada Xafiiska Madaxweynaha waxay kaliya ay ka hadleysay Muqdisho, balse aanay Gobolada kale ee dalka ku socon, taasoo loo arkay culeys la saaray kaliya Muqdisho, halka gobolada kalena aan lagu soo hadal qaadin.

    Dad badan ayaa aaminsan wareegtada xafiiska Madaxweynaha ee soo baxday xilli uu safar ugu maqnaa Gobolada dalka iyo xaalado siyaasadeed ee ka socday Muqdisho ay aheyd kuwo la isku soo aadiyay, isla markaana koox ku dhow dhow Madaxweynaha ay ku lug lahaayeen arrintan, si ay ugu yaraan u muujiyaan cadaadiska siyaasadeed ee saaran Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

    G/Banaadir Muqdisho Taabit
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleShil Diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho [Diyaarado isku dhacay- SAWIRRO]
    Next Article Howlihii Shaqo ee Dowlada Federaalka Mareykanka oo istaagay & Miisaaniyadii sanadkan oo la diiday

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo