Waxaa galabta iyo caawa dib u dhac ku yimid doorashada kursigii HOP058 ee Beesha Cali Madaxweyne / Xawaadle, kaasoo ay ku tartamayaan 7 musharax oo midkood ay tahay haweeney.
Xogta aanu ka helnay magaalada Beledweyne ayaa sheegeysa in qodobka ugu weyn ee keenay dib u dhaca doorashada la wada sugayey uu yahay iyadoo jufo ka mida Beesha Kursiga leh ay isku khilaafeen qeybsiga ergada kusoo aaday, isla markaana sidii loo qeybsan lahaa ay qaadatay waqti dheer oo keenay inuu dib u dhac ku yimaado Doorasahada.
Ergada ilaa Caawa la hayo ayaa lagu sheegay in ku dhow 70, waxaana harsan oo weli aan lagu heshiin lana soo magacaabin in ka badan 30 ergo, waxaana la sheegay in ilaa caawa arrintaas lagu dhammeyn doon, kadibna doorashada la qaban doono Berri oo ku beegan 28-ka Maarso 2022.
Warar lagu faafiyey baraha bulshada ayaa dib u dhaca Doorashada sabab uga dhigay dhinaca Amniga, arrintaas oo aan la xaqiijin.
