Sheekh Maxamed Idiris oo ka mida culimada waaweyn ee Soomaalida ayaa galabta ka baxay, kana duulay magaalada Hargeysa, kadib markii laga joojiyey seminaar uu ku qaban lahaa hotel ku yaalla Magaalada Hargeysa.
Sheekha oo muddo 10 maalmood ah ku sugnaa degaanada Somaliland, isla markaana tegay magaalooyinka Boorama, Burco iyo Hargeysa ayaa ugu danbeyn xukuumadda Somaliland ay ka joojisay Barnaamij seminaar ah oo ka dhici lahaa Hotelka Damal kaasoo cinwaankiisu ahaa “FARXADDA LAMMAANAHA”, waxaana amarka bixiyey Duqa magaalada Hargeysa.
Waxaa Sheekha ay ku eedeysay xukuumadda Somaliland inuusan si sharci ah u marin kulamada uu qaban lahaa, waxaana dadkii waday qabanqaabada kulamada Sheekha ay sheegeen in Somaliland ay Sheekha uga hor timid oo ku qabsatay hadal uu ka jeediyey xaflad ku saabsan 1-da July oo xilii hore ka dhacday magaalada Nairobi.
Sheekh Maxamed Idiris ayaa si degdeg uga baxay magaalada Hargeya isla galabta markii laga joojiyey seminaarkii u qosheynaa oo lagu geleyay $10.