Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq Maxamud ayaa laga dalbaday inuu soo gaabiyo khudbadii uu ka jeedinayay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.
Guddoomiyaha Golah Amniga oo ah safiirka UK u fadhiya Qaramada Midoobay Dame Barbara Woodward ayaa soo dhex gashay Khudbadiisii Wasiirka markii aad u dheereeyey, una bedelay muxaarado, isagoo ahaa qofkii ugu danbeeyay ee ka hadla kulanka Golaha Amniga ee ku saabsanaa xaaladda Soomaaliya.
Wasiirka Arirmaha dibadda Soomaaliya ayaa khudbadiisa ku difaacay Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo si culus u eedeeyay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kuna sheegay inay shisheeye la shaqeeyaan; Sidoo kale musharixiina mucaaradka ku tilmaamay kuwo dano gaara wata oo doonaya in madaxweyne si sharci ah xilka ku jooga uu shaqada ka tago.
Maxamed C/risaaq oo khudabdiisa aad u dheereyd, isla markaana si ka baxsan diblomasiyada ugu weerarray dhammaan siyaasiyiinta ka horjeeda Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ayaa dhalisay in ay soo dhex gasho guddoomiyaha Golaha Amniga oo ka dalbaday inuu soo gaabiyo, kadibna wuxuu mar kale ku celiyey eedeynta Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo uu sheegay inay diideen inay kasoo qeyb galaan shirka Muqdisho ka furmi lahaa.
