Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»Maxaa keenay inuu fashil ku dhammaado Shirkii Garowe? [Akhriso 5-tii Qodob oo lagu kala tegay]

    Maxaa keenay inuu fashil ku dhammaado Shirkii Garowe? [Akhriso 5-tii Qodob oo lagu kala tegay]

    May 11, 2019Updated:May 11, 20193 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shan maalmood kadib shirkii wadatashiga Madaxda Dowlada Federaalka iyo Dowladda Goboleedyada ku yeesheen magaalada Garowe, wuxuu ku soo dhammaaday natiijo la’aan la isku mari waayey dhammaan qodobadii hor yaallay.

    Shirka ayaa u muuqday mid alifka ka wareeray markii uu isugu yeeray amdaxweynaha martida loo ahaa ee Puntland Siciid C/llaahi Deni, waxaana dhacday in ajendayaashiisa laga dhigo qodobo quseeya maamul goboleedyo gaar ah iyo khilaafaad ka jira, taasoo ay iska caddeyd inaan lagu heshiin karin.

    Shirka Garowe wuxuu uga duwanaa shirarkii ka horeeyay arrimaha soo socda:

    1- In maamul Goboleed isugu yeeray oo dowladii Federaalka loogu yeeray.

    2- In ajendayaashiisa ay ahaayeen kuwo ka duwan shirarkii hore, ayna dhacday in markii ugu horeysay khilaafaad ka jira maamul Goboleedyo dhexdooda la keeno shirka Guud.

    3- Iyadoo khilaafaad hoose oo culus u dhaxeeyeen maamul Goboleedyada qaarkood iyo dowladda Federaalka.

    4- In Arrimaah dooda dhaliyey ay ahaayeen arrimo dano gaara sida madax doorasho ka carareysa iyo kuwo kursi ku mintid ah.

    5 Iyo in awoodihii ugu dambeeyay ee dowladda Federaalka, siiba labada aqal ee Baarlamaanka ay halis galeen.

    Fashilka shirka waxaa soo dejijisay, isla shanta Qodob ee sare ku xusan markii la damcay in la guda galo;

    • Khilaafka Galmudug

    Wuxuu ahaa arrintii ugu weyneyd ee caqabad ku noqotay shirka, iyadoo madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf oo isku dayey inuu sharciyad ka helo madaxda dowladda Federaalka, isagoo cuskanaya heshiiskii Jabuuti ee uu la galay Ahlu suna, taasina way ka biyo diideen madaxda dowladda Federaalka oo markii hore lagu eedeyn jiray inay la safan yihiin Garabka Cadaado.

    • Sharciyada iyo Xeerarka Xukuumaddu soo saarto ee Baarlamaanka la geeyo

    Arrintan waxay ahayd caqabadda labaad ee shirka hore uga socon waayey, waxayna madaxda maamul Goboleedyada doonayaan in sharci kasta lagala tashado iyaga, taasoo sharci ahaan la isku mari waayey. Madaxda maamul Goboleedyada ma ogala inay soo maraan Aqalka sare oo iyaga metela, kaasoo sharci kasta marka uu soo maro Golaha Shacabka loo gudbiyo, waxaana taasi halis ku arkay xukuumadda iyo Madaxtooyada.

    • Dhismaha Golaha Iskaashiga Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada

    Waa qodob kale oo ay wateen madaxda maamul Goboleedyada, balse u cuntami waayey madaxda dowladda Federaalka, waxaana Golaha loo arkay mid bedelaya labada Aqal ee Baarlamaanka, kana sareeya sida dhacday xilligii ug danbeeyay ee dowladii Xasan Sheekh, waxaana ka hor yimid Madaxweyne Farmaajo.

    • Qeybsiga Deeqaha caalamiga

    Maamul Goboleedyada waxay olole ugu jireen in la helo qaab loo qeybsado dhaqaalaha la siiyo dowladda Soomaaliya ee ku yimaada magaca Somalia, iyadoo fure u ahayd isu soo dhowaansho labada dhinac dhex mara. Arrintan waxaa ka hor yimid madaxda sare ee dowladda Federaalka oo ku dooday in deeqaha ay yihiin kuwo qorsheysan oo magac iyo miisaaniyad ku yimaada, laakiin aysan jirin lacag la qeybsanayo.

    • Dhameystirka Dastuurka & Doorashooyinka

    Muddo dheer ayuu soo taxnaa muranka ka taagan dib u eegista dastuurka KMG ah, dowlad Goboleedyada ayaa doonaya in xubno cusub loogu daro Guddiga Dastuurka, iyadoo farsamo ahaan la isla fahmi waayey, waxaana xukuumadda ka gaabsatay inay dib usoo celiso sharciga Doorashada ee Golaha Wasiirada uu ansixiyey.

    Guud ahaan shirka Garowe wuxuu kuqabsoomay jawi cakiran, waxaana hareeyay xaalado shaqsiyadeed oo ku xeeran doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland, taasoo soo dedejisay inuu fashilmo, iyadoo aan marna lagu soo hadal qaadin danta guud.

    Garowe Shirka madaxda Soomaalida Shirkii Garowe Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWararkii ugu danbeeyay ee Garowe: Axmed Madoobe oo ku laabtay Kismaayo & Xaaf oo ku sii jeeda ..
    Next Article Dowladda Somalia oo ka jawaabtay go’aankii ay Kenya ku soo rogtay diyaaradaha ka taga Muqdisho.

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo