Qiimaha lagu sarifo doolarka Mareykanka ayaa hoos u dhac weyn laga dareemay saacdihii ugu danbeeyay suuqyada Muqdisho marka loo eego Shilinka Soomaaliga kadib doorashadii madaxweyne Farmaajo.
Hoos udhaca Doolarka iyo sare u kaca Shilinka Soomaaliga ayaa dhaliyay xaalad hubanti la’aan ah oo ku yimid ganacsiga, waxaana dadka dhaqaalaha bartay ay sheegeen in xaaladan ay tahay mid degdeg oo ay sabab u yihiin lana arrimood:
1- Lacago badan oo Doolar ah oo suuqa soo galay oo ka yimid ololihii doorashada
2- Filasho weyn oo ah in lacago mushaar ah la bixin doono.
Labadan arrimood waxay ka mid yihiin sababaha keena iyo lacagaha dalka ay qiime yeeshaan oo lacagaha qalaadna ay hoos u dhacaan, sidaasoo ay tahay shilinka Sooomaaliga waa mid aysan dowlad gacan ku hayn oo u gacan galay ganacsado, laguna daabaco meelo kala duwan.
Hoos u dhaca Doolarka ee Suuqyada dalka ayaan inta badan ahayn mid xaqiiqo ah, waxaana ujeedka ugu weyni noqon karaa in ganacsatada ay ku aruursadaan Doolar ugu badan kadibna ay shilin Soomaaliga halkiisii ku celiyaan.
Dadka qaarkii ayaa aaminsan in barako iyo faa’iido ay tahay sare u kaca qiimaha Shilin Soomaaliya, laakiin xaqiiqadu waxay tahay inuu dhibaato ku yahay dhammaan dadka Soomaalida ah ee shaqeeya marka laga reebo dad fara ku tiris ah oo ka mida shaqaalaha xoogsatada ah.
Shaqaalaha dowladda, shaqaalaha shirkadaha kala duwan iyo guud ahaan dadka shaqeeya ayaa mushaarka ay qaataan ku saleysan yahay doolarka, waxaa kaloo doolarka uu noqday lacagta rasmiga ah ee laga isticmaalo dalka.
Wadani.com