Xog dheeraad ah ayaa lag helay sababta keentay in madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Galmudug Amed Ducaale Geelle (Xaaf) uu khilaaf cusub ku furo Galmudug, isagoo magaalada Gaalkacyo uga dhawaaqay Guddi cusub oo doorasho, isla markaana sheegay inuu wakiilnimadii kala noqday dowladda Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka uu joojiyey lacagtii la siin jiray maamulka Galmudug bil kasta , qeybtii uu qaadan jiray Xaaf, kadib markii ay dacwad ka gudbiyeen senatooro ka tirsan Aqalka Sare oo Xaaf ku eedeeyay inuu si shaqsi ah lacagtaasi u isticmaalo oo aan waxba loogu qaban Galmudug.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA HANTI DHOWRKA

Xildhibaan Mahad Maxamed Saalad oo kasoo jeeda Galmudug ayaa ku eedeeyay Xaaf in tallaabada uu qaaday kusoo beegantay warqada kasoo baxday Xaafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ee looga hakiyay lacagtii Galmudug, taasoo uu sheegay in dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ay si shaqsi ah ay u isticmaalayeen Xaaf iyo saaxiibadiis