Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Maxaa ku Qarsoon Waallida Diblomaasiyadeed ee Kenya ku dhaqaaqday..? [Talo ku socota madaxda Somalia]

    Maxaa ku Qarsoon Waallida Diblomaasiyadeed ee Kenya ku dhaqaaqday..? [Talo ku socota madaxda Somalia]

    February 16, 2019Updated:February 17, 20193 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Tallaabada ay qaadatay dowladda Kenya ee ay xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay Soomaaliya ayaa noqotay mid lama filaan ah oo ku soo beegantay xilli aan la fileyn, iyadoo xiriirka labada dal uu marayey heerkii ugu fiicnaa.

    Mar kaliya ayey dowladda Kenya abuurtay xiisad diblomaasi kadib markii ay u yeeratay safiirkeedii magaalada Muqdisho, kuna amartay safiirkii Somalia inuu dalkeena isaga baxo, waxayna sababta ka dhigtay in Somalia ay xaraash ama iib ku bixisay xuduud ka mida badda lagu murusan yahay ee Kenya sheegato, waxayna si ulakac ah u weeraray dowlada Somalia.

    Qoraalka Dowladda Kenya iyo sida uu u hadlay xogahaya wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalkaasi Macharia Kamau marka la eego waxaa su’aalo badan ka dhalanaya ujeedka Kenya arrintan ka leedahay, waxaana muhiim ah in madaxda Soomaaliya ay si weyn uga fiirsadaan arrintan inta aysan jawaab ka bixin.

    Waxaa la ogyahay arrimaha soo socda:

    In Somalia iyo Kenya ay isku hayaan dacwad ku saaban xuduudka Badda ee labada dal u dhaxeeya oo hortaalla Maxkamadda Cadaaladda Adduunka.

    Kenya waxay muddo dheer olole ugu jirtay in dacwadaasi lagu dhammeeyo xeer jajab iyo heshiis ay la gasho madaxda Soomaaliya, si ay qeyb uga hesho Badda Somalia ee ay sheegatay oo lagu tuhmayo Gaas iyo Shidaal.

    In dowladda Kenya ay hore shirkado Shidaal ugu siisay Qandaraas inay shidaal iyo Gas uga baaraan Badda Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay, iyadoo dacwadii dowladda Somalia ka mid ahayd kiiskan horyaalla maxkamadda dunida.

    Dowladda Kenya waxay ka cago jiiday dacwadda badda ee Somalia ay u gudbisay Maxkamadda Adduunka, waxayna mar kasta u taagan tahay in madaxda Soomaalida cadaadiso.

    Iyadoo ay arrimahaas oo dhan jiraan ayaa waxaa isk cad in Kenya ujeedkeedu yahay arrimaha soo socda:

    In dowladda Kenya ay ka hor dhaceyso dacwadda maxkamadaha adduunka ee ICJ oo laga yaabo in laga xukmiyo.

    Inay arrintan tahay kiis abuur oo cadaadis lagu saarayo madaxda dowladda Soomaaliya si ay u hesho waanwaantii ay mudadda dheer raadineysay ee ahaa in xal hoose laga galo muranka xuduudka Somalia iyo Kenya.

    Haddaba madaxda Soomaaliya maxaa looga baahan yahay:

    Inay si deganaan ah xaalada u wajahdo, iyadoo la difaacayo Qaranimada Dhuleed iyo Badeed ee Soomaaliya.

    Inaan marna laga aqbalin Kenya inay yareysato Qaranimada Somalia, isla markaana aan wax tanaasul ah laga sameyn Dacwadda badda ee taalla Maxkamadda Cadaaladda Dunida.

    Waa arrin kale oo tijaabo u ah hoggaanka xilligan dalka ka jira oo ay ku caddeyn karaan Soomaalinimadooda, lana eegi doono sida ay xaaladdan u wajahaaan.

    Guud ahaan dadka Soomaalida waxaa la gudboon inay u midoobaan oo aan loo kala harin difaaca dalka iyo Qaranimada.

    Kenya Somalia Somalia maritime dispute Somalia vs Kenya Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAKHRISO: Dowladda Kenya Qoraal 15 Qodob ah kasoo saartay xiriirka Somalia [Dagaalkii Xuduud Badeedka oo qarxay]
    Next Article Safiir Tarsan oo Qoraalkii looga Dalbaday inuu ka baxo Kenya loo gacan gelinayo [SAWIRRO]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo