Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Maxaa la gudboon Dowlad Goboleedka GalMudug..? (W/Q: Eng. Yarisow)

    Maxaa la gudboon Dowlad Goboleedka GalMudug..? (W/Q: Eng. Yarisow)

    March 10, 20177 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    ENG-CABDIRAXMAAN-YARIISOOO
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maqaalkan waxaan ku eegayaa ama ku falanqeynayaa xaalada Dowlad Goboleedka GalMudug, iscasilaada Madaxweynaha GalMudug, caqabadaha jira iyo fursadaha ka dhalan kara doorashada Madaxweynaha cusub ee GalMudug iyadoo aan raacinayo tallooyin ku aadan sida aan u arko in xal loogu helo.

    Waxey aheyd 4tii July 2015 markii Cabdikarin Xuseen Guled loo doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka GalMudug oo weliba tartanka uu ahaa mid xasaasi ah oo gaaray wareega 3aad. Doorashadaas waxey timid markii baarlamaanka Dowlad Goboleedka oo ku yimid nidaam ay beelaha deegaanka ku qeybsadeen awooda ama kuraasta baarlamaanka iyo xilalkaba. Waxaa loo arkayey in deegaanada GalMudug ay adkeyd inay ku heshiiyaan qeybsiga kuraasta baarlamaanka, hase yeeshee waxaa la qiray in nidaamkaas uu ahaa kii ugu wanaagsanaa marka loo eego sida kuraasta ay u qeybsadeen baarlamaanada dowlad goboleedyada kale, marka laga reebo Puntland oo in muddo ah aheyd dowlad goboleed.

    Walow doorashadii GalMudug ay aheyd mid tartan furan, haddan waxaa jirey faham ahaa in Dowladii hore ay aad u taageereysey musharaxnimada Abdikarin Xuseen Guuleed, tanoo keentay in markii la doortay ay yimaadeen caqabado waaweyn oo ay ka mid ahaayeen maamulka Ahlu Sunna Waljameeca oo ka horyimid, kooxaha Al-Shabaab oo heystay, welina heysta deegaano ka mid ah GalMudug, dhaqaale la’aan, iyo culeys gaar ah oo lagu hayey bacdamaa uu saaxiib aad u dhow la ahaa Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud. Si kasto oo ay ahaato, waxaa muuqatay in Cabdikarin uu aad u dadaalay, isla markaasna uu juhdi fara badan geliyey dhanka amniga, una suurtowday inay dagaal uga saaraan Al-Shabaab deegaanada qaarkood. Waxuu bilaabay dhisida hay’adaha dowliga ah ee Dowlad Goboleedka, dhismaha hay’adaha garsoorka iyo isku xirka Maxkamada Sare ee dalka, Xeer Ilaaliyaha Guud iyo GalMudug, dhisida dowladaha hoose ee deegaanada uu ka talinayey oo qaarkood doorasho ku yimid madaxda degmooyinkaas, iyo isagoo u soo hoyey deegaanka matalaad rasmi ah ee dhanka Madasha Madaxda Qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale Abdikarin waxuu ku guuleystay in ganacsatada ay ka qeybqaataan dib u dhiska deegaanka oo ay bilaabatay dhismaha dekeda, dhimaha wadooyinka qaarkood iyo weliba isagoo soo jiitay qurbo-joogta deegaanka inay maalgeshi ku sameeyaan deegaanada GalMudug.

    Si kastaba, Madaxweyne Cabdikarin oo caqabadaha jiray ay u dheereed qaliin dhanka wadnaha ah oo lagu sameeyey, ayaa ugu danbeyntii 26kii Feberaayo 2017 xilka Madaxweynaha GalMudug iska casilay caafimaad awgiis. Haddaba, maxaa la gudboon GalMudug si Dowlad Goboleedkaas u noqdo mid hirgala, u adeega bulshada isla markaasna kaalin wanaagsan ka qaata nidaamka Federaalka ee Soomaaliya? Caqabado fara badan oo jirana sidee xal loogu heli karaa?

    Caqabadaha jira;

    Caqabadaha heysta Dowlad Goboleedka GalMudug ayaa ah kuwo aad u fara badan oo u baahan xal waara si loo hirgeliyo nidaam dimoqraadiyad ah oo keena maamul wanaag iyo dardar-gelinta adeegyada bulshada. Caqabadaha la taaban karo ayaa waxaa ka mid ah dib-u-heshiisiinta Ahlu-Sunna Waljameeca ah, dib-u-heshiisiin siyaasadeed ee Dowlad Goboleedyada deriska la ah (Puntland iyo HirShabelle), joojinta dagaalada Gaalkacyo, dhaqaale la’aan, amniga iyo nabadeynta, xal u helida khilaafaadkii siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii xildhibaanada Qaran iyo xubnaha Aqalka Sare, dhismaha hay’adaha dowliga ah ee Dowlad Goboleedka iyo arrimo kale oo fara badan, sida gaarsiinta adeegyada ee bulshada deegaanka.

    Caqabadahii horey u jirey ee keenay in Baarlamaanka xubno ka tirsan ay mooshin uga keeneen Madaxweynihii hore, waxaa muuqata in loo baahanyahay inaan lagu degdegin doorasho Madaxweyne iyadoo arrimahaas caqabadaha ah ee dhanka siyaasada ay jiraan, si looga fogaado khilaaf hor leh ama is-qab-qabsi horseeda colaado hor leh. Maamulka GalMudug waxaa laga rabaa inay fursado shaqo iyo rajo u abuuraan shacabka deegaanka, si ay u ogaadaan in Maamulka uu yahay mid uu shacabku leeyahay.

    Fursadaha ka iman kara is-casilaada Madaxweynaha GalMudug

    Cabdikarin Xuseen Guled waxuu qaatay tallaabo geesinimo leh oo uu isku casilay caafimaad dartiis. Sida dastuurka GalMudug u qabo, mar haddii uu Madaxweynahu is-casilo waa in Baarlamaanka ay doortaan Madaxweyne cusub. Haddaba si loo fuliyo waajibaadkaas dastuuriga ah, haddana waxaa u baahan in la is waafajiyo sidii doorashadaas u noqon laheyd mid shacabka deegaanka ay ku kalsoonaadaan si ay ugu sahlanaato Maamulkaas inuu guto waajibaadkiisa dastuuriga ah oo uu u adeego bulshada deegaanada GalMudug.

    Fursadaha jira ayaa ah inay habboon tahay in doorashada laga qeybgeliyo dhammaan bulshada deegaanada GalMudug oo la sameeyo dib-u-heshiisiin lala galo Maamulka Ahlu Sunna Wal-jameeca, in khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay doorashooyinkii xildhibaanada iyo xubnaha Aqalka Sare ee GalMudug xal loogu helo oo wadatashi siyaasadeed la sameeyo. Fursada kale ee qaaliga ah ayaa ah bacdamaa isbedel ku yimid Madaxda Soomaaliya oo Madaxweyne Faramaajo uu helay kalsoonida shacabka in loo baahanyahay in fursad la siiyo oo ay Dowlada Federaalka ku fududeyso nidaamka doorashada GalMudug, si doorashadu u noqoto mid Soomaali hoggaamineyso oo iyadoo la isku quluub fayow yahay la qabto. Sidoo kale waxaa fursad weyn ah in loo baahanyahay in Puntland, HirShabelle iyo Dowladda Federaalka ay wadatashiyo sameeystaan oo ku aadan sidii ay GalMudug iyo Dowlad Goboladeeyada deriska la’ah u noqon lahaayeen Dowlad Goboleedyo ka wada shaqeeya danaha guud iyo weliba gaar ahaan arrimaha magaalada Gaalkacyo.

    Bacdamaa Maamulka Ahlu Sunna Wal-jameeca ay si xoogan u taageereen Madaxweyne Farmaajo, isla markaasna Madaxda ASWJ lagu casuumay xafladii caleemasaarka ee Madaxweyne Farmaajo, waxaa muuqata in Dowlada Federaalka ay door weyn ka qaadan karto sidii dib-u-heshiisiin waarta loo dhex-dhigi lahaa ASWJ iyo GalMudug iyo Beelaha Degaanka oo loo heli lahaa Dowlad Goboleed ay ku mideysan yihiin.

    Gunaanad iyo Talo soo jeedin

    Is-casilaada Madaxweyne Abdikarin Xuseen Guled waxey abuureysaa fursad weyn oo u baahan in si haboon looga faa’iideysto oo xal loogu helo caqabadaha soo jireenka ah. Sidoo kale waxaa jirta fursad weyn oo ay keeneyso isbedelka dalka ka dhacay oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ku noqday Farmaajo oo durbadiiba dhalisay taageerada shacabka, isla markaasna keentay in Ahlu Sunna ay sheegeen in ciidamadooda ay ku wareejinayaan kuwa Dowladda Federaalka iyo Madaxdooda oo lagu casuumay xafladii caleemasaarka ee Muqdisho ka dhacday.

    Sidoo kale waxaa muuqda in khilaaf weyn uu ka dhexjiray xubnaha baarlamaanka GalMudug oo qaar waday mooshin iyo kuwo ka soo horjeeday. Khilaafkan oo ah mid siyaasadeed ayaa u baahan xal siyaasadeed oo keeni kara xasilooni ay doorasho ku dhici karto.

    Waxaa muuqata in haddii lagu deg-dego doorashada GalMudug iyadoon la xalinin arrimaha caqabadaha jira inay keeni karto inay dhaliso colaado hor leh oo horseed u noqdo in maamulka curdanka ah uu meesha ka baxo.

    Si haddaba xal loogu helo dhammaan caqabadaha jira oo loo bilaabo dib-u-heshiisiin dhab ah oo la dhexdhigo maamulka GalMudug iyo ASWJ iyo sidoo kale dib-u-heshiisiin waarta ee beelaha deegaanka ah waxaa loo baahanyahay waqti ku filan bacdamaa ka qeybgalka doorashada ay tahay fursad kalsooni siisa shacabka deegaanka. Sidoo kale arrinta Gaalkacyo oo soo noqnoqday waxuu salka ku hayaa kala shakiga iyo is-faham la’aanta GalMudug iyo Puntland, sidaas daraadeed, waxaa haboon in la isku dayo in xal siyaasadeed la gaaro ka hor doorashada si go’aanka doorashada uu u noqdo mid kalsooni siin kara shacabka Gaalkacyo iyo kan guud ahaan shacabka deegaanka.

    Sidaas daraadeed, waxaan ku talin lahaa qodobada soo socda:

    1. In doorashada dib loo dhigo oo waqti la siiyo dib-u-heshiisiin, iyadoo lala kaashanayo Madax dhaqameedyada iyo dhammaan qeybaha bulshada;

    2. In Baarlamaanka GalMudug ay ka shiraan muhiimada arrimaha kor ku xusan si ay si wadar-ogol ah u go’aansadaan in waqti kordhinta la waafajiyo dasuurka;

    3. In Dowladda Federaalka ay fududeyso sidii ASWJ iyo GalMudug loo dhexdhexaadin lahaa oo is-faham siyaasadeed ay u wada gaari lahaayeen;

    4. In la dedjijo dadaalkii Dowladda Federaalka, Xafiiska Qaramada Midoobey, iyo maamulada GalMudug iyo Puntland ee ku aadanaa xal u helida dhibaatooyinka soo noqnoqday ee Gaalkacyo;

    5. In Dowladda Federaalka ay fursadan uga faa’iideysato oo ay Dowlad Goboleedyada deriska wada ah loo furo wadahadal iyadoo lala kaashanayo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha;

    6. In doorashada Madaxweynaha GalMudug ay noqoto mid u dhacda si dimoqraadiyad ah, daah-furan, isla xisaabtan leh iyo in dhamaan qeybaha bulshada ee deegaanka ay ka wada qeybqaataan doorashada;

    7. Maamulka ku-meel gaarka ah ee GalMudug inuu hormuud ka noqdo is-cafis guud ee bulshada deegaanka ah, iyadoo lala kaashanayo Madax dhaqameedka deegaanka;

    8. Maamulka KMG ah ee GalMudug inuu isku dayo inuu wadahadal la furto xubnihii sida khaldan wax loogu sheegay ee ka tirsan Al-Shabaab iyagoo kaashanaya Madaxda dhaqanka ee deegaanka.

    Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
    [email protected]

    W/Q: Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAmarro cusub oo lagu soo rogay Gaadiidka Magaalada Muqdisho [Dhageyso Taliyaha Booliska]
    Next Article Wareysigii ugu horeeyay oo lala yeeshay Sheekh Xasan Daahir Aweys [Sawirro iyo Warbixin]

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo