Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Subscribe
    • Front
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Maxaa La Gudboon Gobolka Banaadir ?
    Somali

    Maxaa La Gudboon Gobolka Banaadir ?

    WebmasterBy WebmasterOctober 22, 2014Updated:October 22, 2014No Comments3 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    ENG-CABDIRAXMAAN-YARIISOOO
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email
     ENG-CABDIRAXMAAN-YARIISOOO

    ENG-CABDIRAXMAAN YARIISOW

    Waxaa si xowli ah u socda dhaqangelinta nidaamka Federaalka ee Soomaaliya. Dowladda Federaalka ayaa go’aansatay in Jubbooyinka, Koofur-Galbeed iyo Gobolada Dhexe ay noqdaan Maamul Goboleedyo, halka la aaminsanyahay in Dowladda ay dooneyso in Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan inay iyagana is raacaan, walow ay dadka deegaanka qabaan fikrado kale, oo Hiiraan ay qabto inay gooni isu taagto, halka Shabeelaha Dhexe ay doonayaan inay Banadir ku darsamaan.

    Haddaba, bacdamaa uu Dastuurku qorayo in howsha dib u eegista dastuurka ay ka mid tahay in maqaam gaar ah loo sameeyo caasimada Muqdisho (Chapter 1, Article 9) oo labada aqal ay ka soo saari doonaan sharuuc. Ma rabo inaan ka hordhaco arrinkan laakin waxaa la aaminsanyahay in sida waddamo fara badan ay caasimadu noqoneyso degmooyin kooban oo loo qoondeeyo Dowladda Federaalka. Haddaba qormadan waxey diirada saareysaa Gobolka Banadir iyo waxa la gudboon.

    Gobolka Banadir oo ka mid ah 18kii gobol ee jirey oo Dastuurkana aqoonsanyahay maxuu xaalkiisa noqonayaa?. Markaad u fiirsato Guddoomiyaha Gobolka Banadir ayaa waxuu isku hayaa labo jago oo ah kan Guddoomiyaha Gobolka Banadir iyo kan Duqa Magaalada Muqdisho oo sidaas ayey Muqdisho iyo Banadir u kala baxsan yihiin. Waxaa lama huraan ah in la bilaabo wadatashi la xiriira Gobolka Banadir bacdamaa Muqdisho ay yeelaneyso maqaam u gaar ah.

    Bal Dastuurka maxuu qabaa? Chapter 5, ayaa isna ka hadlaya awoodaha Maamul Goboleedyada oo Article 48, qeybtiisa 1(b) waxuu qorayaa in Maamul Goboleedyada dhisma iyo maamulada gobolada (local government) ay ka mid yihiin Dowladda Federaalka, tanoo awood siineysa in gobol uu si gooni ah isu taagi karo, walow dhanka kale Article 48 (2) uu sheegayo in gobol gooni isu taagi kara inuusan jirin, oo gobolkii gooni isu taaga uu Dowlada Federaalka hoos imaanayo muddo 2 sano ah inta ay go’aan ka gaarayaan gobolkii ay raaci lahaayeen.

    Sidaas daraadeed, Gobolka Banadir waxaa u furan fursadahan:

    1. Inuu raaco gobollada kale sida Shabeelaha Dhexe, bacdamaaa Sh/Hoose la raaciyey Bay iyo Bakol. Horey waxaa u jiri jirey Ex-Banadir oo ka koobnaa gobollada Banadir, Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe iyadoo isla markaasna Muqdisho ay caasimada dalka aheyd.

    2. Ama uu gooni isu taago mudo 2 sano ah oo uu hoos tago Dowladda Federaalka inta uu ka go’aansanayo gobolladii uu raaci lahaa;

    3. Bacdamaa Dastuurka lagu sameynayo dib u eegis, waxaa iyadana furan in wax laga bedelo qodobada qaarkood oo Gobolka Banadir bacdamaa ay dad fara badan ku nool yihiin lehna degmooyin fara badan inuu u qalmi karo inuu noqdo Dowlad Goboleed si shacabka Soomaaliyeed oo lagu qiyaaso 2milyan iyo bar ay u helaan matalaad dhanka labada gole ah, gaar ahaan Aqalka Sare oo laga soo xulayo Dowlad Goboleedyada Dhismaya.

    Haddaba qormadan waa bilow dood oo aan is leeyahay inay muhiim tahay in la bilaabo si shacabka Soomaaliyeed ay uga qeybqaataan dooda oo loo helo xal macquul ah oo shacabka deegaanka ay ku heli karaan xaquuq la mid ah kuwa gobollada kale ee dalka.

     

    W/Q: Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow),

    La-Taliyihii & Af-Hayeenkii hore ee Madaxweynaha Soomaaliya,

    horeyna u soo noqday Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Lacagta.

    Email: engabdirahman@gmail.com

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Webmaster
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Goobjooge.com: An Online News portal, tracks all news round the clock which will cover Politics, entertainment, sports and world news.Waxaad nagala soo xiriir kartaa: info@goobjooge.com

    Related Posts

    Sheegow Cali Axmed oo isagoo Maxbuus ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho

    April 7, 2025

    Wasiir Roobow: “Muqdisho ma aha Kaabul iyo Dimishiq, Axmed Diiriye-na ama Axmed ASharaca Syria”

    March 9, 2025

    Wasiirkii Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamud Cali Yuusuf oo loo Doortay Guddoomiyaha Midowga Afrika

    February 15, 2025

    Comments are closed.

    © 2025 Wadani.com .
    • Home-1
    • About Goobjooge
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo