Maxaa laga filan karaa shirka maanta u furmaya mucaaradka?
Muqdisho (Wadani Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo shir gaar ah oo ay leeyihiin xubnaha mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka, kaas oo looga hadlayo xaaladda cakiran ee dalka.
Sida ay ogaatay Wadani Online, shirweynahan ayaa la’isla qaatay, kadib markii ay habeen hore mucaaradka isugu tageen guriga Madaxweyne hore Sheekh Shariif, iyaga oo maanta ka hadlayo arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo amniga guud ee dalka.
Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali, sidoo kalena ah musharrax madaxweyne ayaa faah-faahin ka bixiyay shirkooda, wxuuuna sheegay inay uga wada-hadayaan sidii dalkan loo badbaadin lahaa, isla markaana madaxweyne Xasan Sheekh loogu sheegi lahaa inuu kusoo laabto xeyndaabka sharciga.
“Waxa aan ka hadleyno waxa ay tahay maamulka hadda jiro oo uu madaxweynaha ugu wayn yahay oo uu Ra’iisul wasaarihiisu ku xigo qaabka ay wax u wadaan oo ay rabaan waddanka inay doorasho uga dhacdo waa qaab waddanka uusan horay ugu sii socon karin” ayuu yiri Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali.
Cosoble ayaa ku eedeeyay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha in dalka ay ku wadaan waddo khaldan, isla markaana ay tahay in laga hortago goor hore.
“Ujeedkeenna waxa weeye aan wada badbaadino dalkan aan isku imaano, madaxweynaha aan u nasteexeyno oo aan ula talino oo aan u sheegno waddadan inay tahay waddadii shalay ee uu isaga hortaagnaa oo uu diidanaay waayey yuu na qaadsiin ayuu sii raaciyay.
Dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday arrinta doorashada, isaga oo ku eedeeyay in Villa Soomaaliya ay waddo boob, taasina ay diidan yihiin.
“Doorasho qof iyo cod ah ayaa lagu dhowaaqayaa, laakiin xaqiiqda dhabta ah ay tahay doorasho la rabo in lagu shubto ama la boobo” ayuu yiri Cabdulqaadir Cosoble.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo aad u cakiran, waxaana la’isku hayaan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka ee 2026.