Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo cudurka COVID-19 qaba, kun sugan isbitaalka Milatariga ee Waler Reer ayaa xalay soo duubay muuqaal lagu baahiyey Twiter-ka, si loo muujiyo Xaaladiisa inay fiican tahay.
Trump oo muddo 4 daqiiqo ah hadlayey ayaa waxaa Muuqaalkiisa uu ahaa mid uu daal badan ka muuqdo, laakiin xaaladiisu aysan xumeyn wuxuuna qirtay inuusan fiicneyn markii la dhigayay isbitaalka Walter Reed ee duleedka Washington, Laakiin uu hadda aad u fiican yahay, isagoo intaasi ku daray inaysan garaneynin sida uu xaalka noqon doono maalmaha soo socda oo uu sheegay inay mari doonaan xaalad adah iyo tijaabada dhabta ah ee cudurka.
Dadka sida weyn u yaqaana barnaamijyada muuqaalladda lagu duubo ee lagu jarjaro ayaa sheegay in muqaalka laga duubay Madaxweyne Trump dhowr jeer la jarjaray (Edit), si looga saaro qufac soo dhaafay intii uu hadlayey, waxayna sheegeen in barnaamijka la adeegsaday uu yahay ‘Adobe Premiere’.
Farsamo-yaqaan lagu magacabao Chris Evans, ayaa ku dooday in ‘Trump uu ku qufacay markii hadalkiisa marinayey ‘therapeutics’ isla markaana laga saaray qufacaasi, iyadoo laga dareemi karo .
Aqalka Cad ayaa shalay qirtay in xaaladda Madaxweyne Trump ay xumaatay Jicmihii intii aan loo qaadin Isbitaalka, una baahday in ogsijiin lagu xiro, taasoo ahayd arrin aan hore loo sheegin, waxaana hadda la eegayaa sida ay isu bedeli doonto xalaadiisa saddexda maalmood ee soo socda.
Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee isaga daweyntiisa ku howlan, dadweynaha Mareykanka iyo hogaamiyeyaasha caalamka ee usoo diray farriimaha ay wanaagga iyo caafimaadka ugu rajeynayeen.
Xanuunka COVID-19 ee ku dhacay madaxweyne Trump ayaa imanaya, muddo bil ah ka hor inta aysan dhicin doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 3-da November, iyadoo uu saameyn ku yeeshay ololihiisa.

