Guddoomiyaha degmada Xamar Weyne, Cumar Shariif Maye oo loo yaqaanno Cumar Shariif Jeeg ayaa galinkii dambe ee shalay lagu xiray xarunta CID ee magaalada Muqdisho.
Xariga Guddoomiyaha Cumar Shariif Jeeg, ayaa loo aaneeyay hadal laga duubay oo uu musuqmaasuq ku eedeeyay maamulka gobolka Banaadir iyo xukuumadda Soomaaliya, isagoo si weyn u dhaliiyey xaaladda amniga caasimadda, gaar ahaan degmada uu madaxda ka ahaa ee Xamarweyne.
Warqad uu ku saxiixan yahay ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir, Xuseen Maxamed Nuur, ayaa maanta shaqada looga joojiyey Cumar shariif Jeeg, ayadoo lagu eedeeyey in uu “si bareer ah uga been sheegay booliska qaranka, kuna tilmaamay in aan lagu aamini karin amniga dalka, ayna iyagu keenaan qaraxyada”.
Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay “in maamulka gobolka Banaadir inuu ka jiro musuqmaasuq, xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan cali Khayrena uu ku tilmaamay inay tahay xukuumadda ugu musuqmaasuqa badan & in dalka aysan wax dawlad ah ka jirin”.
Siyaasiyiin iyo xubno mucaarad ah ayaa si weyn u cambaareeyay xarigan iyadoo ku sheegay inuu caddeyn u yahay dulqaad la’aanta dowladda iyo sida aysan daacad u ahayn la dagaalanka musuqa, waxaana xariga Cumar Shariif Jeeg uu dood ka dhaliyey baraha bulshada.