Qaabka Doorashada madaxtinimada Soomaaliya ayaa noqotay muddo 15 sano ka badan mid ku socota hal qaab oo aan lahayn isbedel, isla markaana inay ku soo baxaan hogaamiyeyaal wax ka bedeli kara dalka.
Nidaamka u dhisan 4.5 ee awood qeybsiga beelaha, wuxuu sal u yahay tayo xumida hogaanka kala dambeeyay ee dalka la degay, waxaana ka sii daran jagooyinka sare ee u xiran beelo gaara.
Madaxweyne uu soo dooranayo Baarlamaan isu keen ah oo nin jecleysi iyo laaluush ku yimid wuxuu noqday fashilka ugu weyn ee heysta Soomaalida, waxaana xaaladda uga sii daray Dastuur KMG ah oo wax waliba qabyo yihiin kaasoo Wasiirka koowaad ka awood badan yahay madaxweynaha, kaasoo dhaqanka Soomaalida mari la’. Waxaana caado noqotay in madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha mar waliba isku dhacaan.
Waxay ahayd in la tijaabiyo qaabab kale dowladda loo dhiso, sida:
Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.
Madaxweyne iyo Gole wasiiro
Doorashada 2017 ee madaxtinimada Soomaaliya waxaa u taagan 23 musharax, sidaasoo ay tahayna waxaa kaliya ku tartamay laba beelood. ma jiro musharax ku dhiiraday ama la yimid hal abuur cusub oo hogaamineed kaasoo sii magacaaba Ra’iisal wasaarihiisa dadkana u sheegay in haddii uu madaxweyne noqdo uu Ra’iisal wasaare u magacaabi doono musharax kale oo ay is fahmi karaan ama Soomaalida ay taqaan.
Sidaasina waxaa ugu yaraan looga badbaadi lahaa in waqti dheer ay qaadato raadint Ra’iisal wasaare, waxaana fududaan lahaa doorashada, laakiin waxaa weli lagu dhegan yahay nidaamkii laga dhaxlay shirkii Carte eeJabuuti oo dhacay16 sanadood ka hor.
Siyaasiyiinta Soomaalida ma laha fekrad aan ahayn inay madaxweyne u tartamaan, ma hayaan qorshe dalka looga bedelo nidaamka ay kor ugu kici weysay, waxayna ku wareegaan hadba xariiqii loo jeexo.
FAALLOOYINKA GOOBJOOGE.COM