24-kii April 2014 markii uu shaaciyay Md. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow inuu iska casilay xilka afhayeenka Madaxtooyda Soomaaliya, waxaa la hadal hayay inuu khilaaf ka taagnaa Villa Somalia, laakin Afhayeen Yariisow wuxuu markaasi sheegay inuu iskiis uga tegay shaqada, inkasoo ay la yaab ahayd inuu xil ka qabto Raadiyaha Bar-kulan ee UN-ku leeyahay.
Yariisow ayaa xilka hayay muddo sanad ah, waxaana xusid mudan inuu xilkaas faaruq ahaa ilaa mudadaasi, halka kaliya ee warka madaxtooyada laga helo waxay ahayd inuu madaxweynaha toos u hadlo ama barta Facebook uu ku leeyahay weriye lagu magacaabo Shadoor Xaaji oo ku magacaaban ku xigeenka madaxa xiriirka ee madaxtooyada.
Sida madaxtooyada uga arradan tahay xiriirka dadweynaha iyo kan saxaafadda waxaa marqaati ka ah iyadoo aan lahayn xarun online ah iyo afhayeen mudadda intaas la eg, isla markaana kaliya ka nool xarumaha social-ka ah sida Facebook iyo Twitter qaarkood shaqsiyaad ku qoran yihiin.
Dhowaan waxaa soo baxday in Daa’uud Aweys Jaamac oo ahaa weriye ruugcaddaa ah loo magacaabay afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, isagoo ka tegay shaqadii VOA uu ka hayay, inkastoo aanay magacaabid rasmi ah soo bixin haddana waxaa muuqata inuu shaqadaas hayo Daa’uud, waana tallaabo hore loo qaaday iyadoo mudd 8 bilood ka badan madaxtooyadu ahayd meel aan af lahayn.
Hore waxaa loo hadal hayay in jagadan loo magacaabi doono Yuusuf Garaad Cumar oo tan iyo intii uu ka qeybgalay tartankii doorashada madaxweynaha 2012 ahaa siyaasi raadinayay inuu ka mid noqdo dowladda,s i dhowna loogu arkay agagaarka madaxweynaha, balse waxay wararku sheegayaan in afhayeenka cusubi uu gacan weyn ku leeyahay madaxa VOA-da laanta Afsoomaaliga C/raxmaan Yabarow oo saaxiib la ah madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxaa madaxtooyada ku dhow Xukuumadda oo inkastoo ay afhayeen lahayd, haddana aan lahayn xarun online rasmi ah, waxaana hay’adaha dowladda ugu wanaagsan Baarlamaanka oo si weyn isaga dhisay dhinacyadaasi, lehna shaqaale rasmi ah oo howlahaasi kala wada.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]