Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Maxaa Maxamed Mursal ku qasbaya inuu Masiirkiisa siyaasadeed ku xiro Maxamed Farmaajo..? (Faaqidaad)

    Maxaa Maxamed Mursal ku qasbaya inuu Masiirkiisa siyaasadeed ku xiro Maxamed Farmaajo..? (Faaqidaad)

    March 28, 2021Updated:March 28, 20213 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddoomiyaha Golaha shacabka ee waqtgiisu dhammaaday Maxamed Mursal Sheekh wuxuu qaatay go’aan siyaasadeed oo mustaqbalkiisa siyaasadeed ku xiraya Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    Arrintan waxay soo bilaabatay Dicembar 2018 markii uu Maxamed Mursal qabtay Mooshin xil ka qaadis Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu xilligaasi wajahay cadaadis darran oo keenay in korontadii iyo biyihii laga gooyo gurigiisa ku yaallay Madaxtooyada, loona diiday inuu la kulmo xildhibaannada ilaa uu markii dambe ka guuray Madaxtooyada, una qaxay Hotel u dhow Garoonka diyaaradaha.

    Arrintaas kadib waxaa Maxamed Mursal iyo Maxamed Farmaajo dhexdhexaadiyey Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Kheyre, waxaana dhacday inay muddo qaadatay sidii ay isu fahmi lahaayeen labada mas’uul. Mursal waxaa loo adeegsaday awood iyo dhaqaale is barbar socda, isagoo markii danbe isu dhiibay Farmaajo, kuna shaqeynaya rabitaankiisa.

    Gudoomiye Mursal oo degan dalka Turkiga oo safiir uu ka ahaa xilligii dowladii Xasan Sheekh wuxuu mar waliba xildhibaannada iyo siyaasiyiinta si cad ugu sheegi jiray inuu aad uga baqayo haddii ka horyimaado Farmaajo inuu awood u adeegsado, balse arrinta ugu weyn ay tahay taageero dhaqaale oo la siinayo.

    Sidii la wada ogaa ee Mursal u maareeyay ridistii xukuumadii Kheyre 25 July 2020 waxay bannaanka soo dhigtay heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka Maxamed Mursal iyo Maxamed Farmaajo, waxa uu sameyn karo si uu Farmaajo u raali geliyo. Waxaana Baarlamaanka 10-aad uu ka dhigay midkii ugu liitay muddooyinkan danbe.

    Markii labaad ee mucaaradku ka quusteen Maxamed Mursal waxay ahayd markii ay ugu tageen Musharixiinta qaarkood inuu xilka Madaxweynaha la wareego si KMG ah, kadib 8-da Febraayo 2021, laakiin wuxuuu sheegay in Farmaajo dagaal ka xigo taas, isaguna aanu diyaar u ahayn dagaalkaasi, isagoo xusuusan wixii ku dhacay Disembar 2018, balse ay u qarsooneyd danaha dhaqaale.

    Wax lala yaabo maaha inuu Maxamed Mursal weli dakanno siyaasadeed u galo Maxamed Farmaajo, kuna xiro mustaqbalkiisa siyaasadeed, kadib markii uu arkay in mucaaradka aysan awood milateri lahayn, inuusan adkeyn mowqifka Beesha caalamka iyo wixii dhacay 19-kii Febraayo 2021.

    Arrinta kale ee Maxamed Mursal ku riixeysa Farmaajo waa inuu tartan siyaasadeed kala dhaxeeyo Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen oo ay hal beel kasoo wada jeedaan, wuxuuna mar waliba ku qasban yahay inuu uga dheereeyo taageerada Farmaajo.

    Xildhibaannada aan isku hubin inay doorashada soo socota dib u helayaan kuraasta ay ku fadhiyaan iyo Guddoomiye Mursal oo danihiisa siyaasadeed uu halis ku yahay C/casiis Lafta-gareen, marka lagu daro hubanti la’aanta heysata Maxamed Farmaajo waxay dhalisay in muddo kororsigu noqdo xalka ugu sahlan ee horyaalla.

    May be an image of 4 people, people standing, suit and outdoors
    Guddoomiye Maxamed Mursal oo ka guuray Gurigii uu deganaa, mar kalena dib ugu laabtay…
    Baarlamaanka Farmaajo Muddo kordhin Mursal Suldaan Cabdullaahi Saalax
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleC/rashiid Xiddig: “Mursal iyo Mahad Cawad waxay doonayaan inay Sac bakhtiyey Caano ka maalaan..”
    Next Article Xildhibaannada Baarlamaanka oo kulan loogu yeeray Berri iyo Ajende cusub oo lagu soo kordhiyey

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo