Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Maxaa Nairobi ku dhex maray Safiirada Midowga Yurub iyo Yuusuf..? [Akhri Warbixinta Wasiirka]

    Maxaa Nairobi ku dhex maray Safiirada Midowga Yurub iyo Yuusuf..? [Akhri Warbixinta Wasiirka]

    June 9, 20174 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa kulamo kula yeeshay magaalada Nairobi, danjireyaasha dalalka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya.

    Wasiir Yuusuf oo ah wasiir wararkiisa isagu qorta ayaa qormadan hoose ka diyaariyay wixii dhex maray isaga iyo danjireyaasha uu la kulmay.

    Kulammadeyda Maanta ee Nairobi

    Midowga Yurub

    Maanta waxaan qaddar saacad ah Nairobi kulan kula qaatay Danjirayaasha dalalka ka tirsan Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya iyo Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Yurub u qaabbilsan Afrikada Bari.

    Waxaan kala hadlay isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay, nidaamka cusub ee shaqo iyo waxqabad ee ay Dowladdu soo rogtay.

    Inkasta oo ay waxoogaa sare u qaadeen qaabka ay ula macaamili jireen Dowladda Soomaaliya waxaan haddana xusay in ay Dowladdu dalbeyso isbeddel intaa ka badani in uu ka muuqdo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Dowladaha ku bahoobay Midowga Yurub iyo weliba Midowga Yurub uuna soo saaro horumar la taaban karo oo tayo leh.

    Waxaan xusay in biseyl siyaasadeed oo ka muuqdo shacabka Soomaaliyeed marka la eego doorashada Madaxweyne Farmaajo iyo sida loo soo dhoweeyay.  Sidoo kale in Baarlamaanku uu cod aan kala har lahayn ku taageeray Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre.

    Waxaa kale oo aan xusay nooca xukuumadda oo u badan aqoon yahanno xirfadlayaal ah, ka madaxbannaan kooxeysi siyaasadeed, ayna ku jiraan tirada haweenka ah ee ugu badan.

    Waxaan xusay iskaashiga iyo midnimada xoogeysatay ee Dowlad-Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka.

    Ugu dambeyntii waxaan xusay in ay Dowladdu diyaar u tahay la xisaabtanka ka yimaada Dowlad ama Ururkii toos ula macaamila Dowladda Soomaaliya iyo hey’adaheeda kala duwan.

    Waxaan xusay in howlahaasi ay u baahan yihiin in la garto lana taageero.

    Aakhirka waxaan xusay in Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay xoojineyso Adeegga Habmaamuuska Qaran, ayna ku soo dhoweyneyso Danjiyarayaashu in ay ka faa’iideystaan iyaga oo dhowraya Axdiga Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadda ee 1961 oo qoraya in Safaarad kastaa ay la shaqeyso ama ay u sii marto shaqadeeda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka ay martida u tahay.

    Jawaabaha su’aalo dhinacyo badan la iga weydiiyay ka dib, wadahadalku wuxuu ku dhammaaday jawi saaxiibtinnimo.

    Waxaan ku faraxsan ahay in Danjirayaasha U. K. iyo Danjiraha Talyaanigu inkasta oo ay shirka ka qeyb galeen haddana aanay qolka nala fadhin.  Iyaga oo jooga Muqdisho ayay shirka uga qeyb qaateen hab maqal iyo muuqaal ah oo video lagu soo xiriiriyay.

    India

    Intaa ka dib waxaan la gooni ula kulmay Danjiraha India ee qaabbilsan Soomaaliya, Suchitra Durai oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi.

    Waxaan ka wadahadalnay xiriirka labada dal ee soo jireenka ah, iskaashiga labada Dowladood oo heer billow ah taagan, korna u sii socda.

    Waxaan uga mahadceliyay ciidanka India ee ka qeyb qaatay nabad ilaalinta Soomaaliya sagaashamaadkii iyaga oo ka tirsan Qarammada Midoobay.

    Waxay iiga warbixisay xaaladda Maxaabbiista Soomaaliyeed iyo sidii gacanta Dowladda looga soo wareejin lahaa.  Arrintaas oo intii hore ka soo dhowaatay maaddaama ay Golaha Wasiirrada ee India ay aqbaleen heshiis ay kala saxiixan doonaan labada Dowladood oo Maxaabbiista la isugu celinayo.

    Waxaan u sheegay sida arrinkaas muhiim iyo weliba deg deg noogu yahay.  Waxaan ka codsaday in saxiixa heshiiska iyo ebyidda howshan ay dhankooda de-dejiyaan.

    Waxaan aakhirkii kala qaadannay howsha labada Dowladood ay mid waliba gaarkeeda u soo sameyn doonto.

    Norway

    Waxaan fadhi wadaqaadannay Danjiraha Norway u qaabbilsan Soomaaliya, Victor Ronnenberg, oo fadhigiisu yahay Nairobi iyo Ku Xigeenkiisa, Vebjørn Heines, waxaanan iska wareysannay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dib u heshiintu.  Waxaa kale oo aan ka wadahadalnay Oslo Forum oo aan toddobaadka soo socda aan ka qeyb geli doono.

    ICRC

    Mas’uul ka tirsan Guddiga Caalamiga ah ICRC ayaan ka dib kulannay oo aan ka wadahadalnay xaaladda dadkii Soomaaliyeed ee lagu dilay Yemen oo dhowaan la aasay oo uu warbixin iga siiyay. Sidoo kale waxaan ka wadahadalnay liiska dadka meydkooda la aasay iyo qabriga mid kasta in lagu sunto magaciisa.

    ICRC waxaa kale oo aan markii labaad isla soo qaadnay Maxaabbiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalal kala duwan iyo in ay ICRC na soo wargeliso mar kasta oo ay ka warhesho maxbuus Soomaaliyeed ee dal shisheeye ku xiran.

    US iyo UN

    Si aan ballan ahayn waxaan iyagana wadajir isu aragnay Danjiraha Mareykanka ee Muqdisho, Stephen Schwartz iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, Michael Keating oo aan erayo kooban is weydaarsannay.

    Kulammada waxaa badankood goobjoog ka ahaa Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, Cali Maxamed Shiikh kulanka Norway waxaa isaga goob joog ka ahaa Mustaqiim Wayd oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

    W/Q: Yusuf Garaad

    Midowga Yurub Nairobi Wasiir Yuusuf Yuusuf Garaad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleC/WELI GAAS oo ku dhawaaqay Dagaal Puntland ku qaadeyso kooxda Alshabaab [Dhageyso]
    Next Article Taliyeyaasha Ciidamada oo Amarro Culus & Digniin ka soo saaray Ammaanka Muqdisho [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo