Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa intii ay talada dalka qabatay qaadatay qaab cusub oo xilalka Qaranka loo magacaabo.
Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo wasiirada xukuumadda ayaa ka siman inay xilalka ay magacaabayaan ka dhigaan qarsoodi, iyagoo qaarkood laga ogaado baraha bulshada isla markaana aan loo marin dariiq Sharci ah, laguna soo saarin faafin rasmi ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa wasiirada iyo xildhibaanada dowladda kaga yaabiyay qaabkii uu u magacaabacay taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida, kuwaasoo qoraal ajende ahaan ah loo akhriyay Golaha wasiirada.
Inta badan xilalka dowladdan cusub ay magacawday ayaa ah kuwo sharci ahaan la duri karo oo aan ku soo bixin wareegto rasmi ah, waxaana qaarkood dib laga sameeyaa qoraalada xil ka qaadista kadib markii ay xilka la wareegaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ilaa iminka si qarsoodi ah u magacaabay saddex safiir oo baraha bulshada loogu hambalyeeyay iyadoo aan xitaa la soo marin Golaha Wasiirada iyo Wasaaradda Arrimaha dibadda, waxaase jira sharci ogolaanaya inuu madaxweynuhu magacaabo 10% safiirada haddii ay timaado xaalad iyo baahi degdeg ah, taasoo aan hadda muuqan maadama safiirada la magacaabay Bilooyin ku qaadaneyso inay xilalkaas ku shaqeeyaan.
Safiirada la magacaabay waxayna kala yihiin:
1. Cabdiraxmaan Yuusuf Caynte oo loo magaacabay safiirka Soomaaliya ee UK. Ceynte oo ay is xigaan Ra’iisal wasaare Kheyre wuxuu hore u ahaa Wasiirka Qorsheynta, wuxuuna ka mid yahay saaxiibada ku dhow Madaxweyne Farmaajo.
1. Jaamac Cabdullahi Maxamed (Caydiid) oo loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee Turkiga. Ninkan ayaa ka mid ahaa saaxiibadii Farmaajo e ololaha Doorahadiisa, waana nin gebi ahaan ku cusub diblomaasiyadda.
3. Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle) waa agaasimihii ugu danbeeyay ee Madaxtooyada, waxaana xilka laga qaaday markii uu in ka yar 2 Bilood joogay, iyadoo lagu bedelay Fahad Yaasiin, waxaana xil cusub loogu magacaabay wakiilka Qaramada Midoobay (UN).
Wadani