Maxaabiis halis ah oo ku eedeysanaa falal argagixiso, kana ka baxsatay Xabsiga weyn ee Kamiti, dalka Kenya ayaa la qabtay xilli la sheegay inay doonayeen inay Soomaaliya galaan.
Raggaan oo saddex ahaa ayaa laga soo qabtay keymaha Enzio ee Mwingi iyagoo ku sii jeeda Soomaaliya. Maxaabiistan dib loo soo qabtay waxay ka mid ahaa Maxamed Cali Abiikar oo ku xukunaa 41 sanno, loona heystay weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa 2015 oo ay ku dhinteen ku dhawaad 150 qof.
Waxaa sidoo kale la soo qabtay Musharraf Abdalla Akhulunga, oo la xiray sanadkii 2012-kii kadib markii la fashiliyay isku day uu qeyb ka ahaa oo la doonayay in lagu qaado Baarlamaanka Kenya iyo Joseph Juma Odhiambo oo horre looggu qabtay magaalada Beledxaawo ee ku xadka Soomaaliya iyo Kenya si uu ugu biiro Al Shabab.
Raggani ayaa waxaa hadda loo soo wadaa Nairobi si dib loogu celiyo xabsigii ay ka baxsadeen. Toddobo kamid ah saraakiisha xabsiyada Kenya ayaa loo xiray kadib markii ay maxaabiistani ka baxsadeen xabsi si weyn amnigiisa loo ilaaliyo oo ku yaalla duleedka magaalada Nairobi.
Maxaabiista ayaa in dib loo qabto waxaa suurageliyey markii ay ciidamada danbi baarista ay heleen xog ka timid dadka deegaanka, waxayna si degdeg ah ugu dhaqaaqeen soo qabashada saddexda Maxabuusi.
