Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta booqday qeybta 21-aad ee ciidamada milateriga Soomaaliya ee magaalada Dhuusmareeb.
Xerada 21-aad waxaa hadda degany ciidamada milateriga Ahlu Sunah ee a baxay Guutada ASHCARIYAH oo ah Guuto tababar heerkiisu sareeyo iyo qalab ciidan oo dhamaystiran wadata, waxaana ciidankaasi maanta la wareegtay dowladda Federaalka.
Taliyaha Guutada ASHCARIYAH ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay in Guutadiisa ay Alshabab la gashay 104 dagaal oo toos ah iyo 16 aan toos aheyn dhamaantoodna ay kaga guuleysteen, iyagoo haddana diyaar u ah difaaca dalka.
Madaxweynaha ayaa u balanqaaday ciidamadaasi inay dowladu qarameyn doonto, lana siin doono xuquuqdooda ay ka mid tahay dalacsiin ciidan, Mushaar iyo qalabeyn, wuxuuna u sheegay inuu dhagax dhigi doono goob lagu xanaaneyn doono agoontii ciidamada .
DAAWO SAWIRRO