Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Maxaad ka taqaan Madaxweynaha dib loo doortay Xasan Sheekh Max’ud..? (Akhriso Taariikhdiisa)

    Maxaad ka taqaan Madaxweynaha dib loo doortay Xasan Sheekh Max’ud..? (Akhriso Taariikhdiisa)

    May 16, 2022Updated:May 16, 20224 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email
    May 16, 2022

    Xasan Sheekh ayaa wareeggii saddexaad ee doorashada kaga adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ah madaxweynihii kursiga ku fadhiyey, isagoo ku guuleystay 214 cod, halka Farmaajo uu keensday 110 cod.

    Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, kadib doorasho saddex wareeg ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

    Xasan Sheekh ayaa horey madaxweyne ugu soo noqday Soomaaliya 2012 illaa 2017, markaasi oo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kaga adkaaday doorasho dhacday 7-dii Febraayo 2017.

    Taariikhda Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha 10-aad

    Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu ahaa Madaxweynihii siddeedaad (8) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya intii u dhaxeysay 2012—2017. Burburkii 1991 ee kaddib Madaxweynihii kowaad ee loo doorto in uu hoggaamiyo Xukuumad aan kumeel gaar ahayn ayuu noqday.

    Wuxuu Ku dhashay 1955 degmada Jalalaqsi ee bartamaha gobolka Hiiraan. Haldoor u dhaqdhaqaaqa dhab u heshiisiinta, bulshada rayidka iyo u ololeeye waxbarashada iyo barbaarinta ubadka ayuu ahaa muddo dheer. Kaddib bud— dhige iyo maamulaha Mac’hadka SIMAD oo markii dambe Jaamacad isu badelay ayuu noqday. 2012 ayaa loo doortay Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 2013 ayaa Jariiradda TIME u aqoonsan tahay boqolka qof ee dunida ugu saameynta badan ee raadka reebtay.

    Waxbarashada

    Xasan Sheikh Maxamuud, shahaadadii koowad 1981 ayuu ka qaatay Jaamacadda Ummadda ka asagoo ku takhakhusay Culuumta Farsamada Gacanta. Shahaadada labaad ee Maamulka iyo Maareynta Farsamada Gacanta 1988 Jaamacadda Barkatullah ee horey loo yaqiinay Jaamacadda Bhopal. 2015 ayaa Barkatullah guddoonsiisay darajada ugu dambeysa (Doctor of Literature) ayada loo aqoonsaday dadaalkiisii dheeraa ee waxbarashada ubadka Soomaaliyeed. Sidoo kale Maxamuud, Jaamacadda Eastern Mennonite Mac’hadkeeda Nabadda ee Virginia ayuu ka qallin jabiyey arrimaha dhexdhexaadinta, tiiraanyo—bixinta iyo dhismaha xaruumaha nabadda iyo waxbarashada.

    Macalin iyo tabobarre ayuu ka noqday Dugsiga Sare ee Tababarka Farsamada Gacanta Lafoole, kaddib wuxuu u dalacay Maamulaha Mac’hadka Tabararka Macalimiinta ee Jaamacadda Ummadda.

    Burburki Dowladda iyo dagaalada sokeeye dadka faro ku—tiriska ah ee dalka ku nagaaday ayuu noqday. Wuxuu isutaagay xal u helidda dhab—u—heshiisiinta, xal u helidda dagaalada sokeeye iyo dib—u—howlgellinta xaruumihii waxbarashada ee burburay. Wuxuu la shaqeeye hey’adaha Qaramada Midoobay ee UNDP iyo UNICEF. Sidoo kale Jaamacadda Oxford Xaruunteeda Daraasaadka Qaxootiga iyo mashruucyo kale ee horumarinta nabadda iyo dib u dhiska.

    Dagaalkii sokeeye markuu qarxay 1991 UNICEF ayuu u noqday Sargaal Waxbarashada kala shaqeeya iyo sidii dib loogu furi lahaa dugsiyadii waxbarashada. Wuxuu UNICEF la shaqeynayey bilowgii 1993 ilaa 1995.

    Wuxuu wax ka asaasay bulsho rayid ah oo qeyb ka noqota xal waara u raadinta dalka si la iskugu soo dhaweeyo dagaal oogayaashii dalka iyo caasimadda Muqdishu maamulayey. Ururadii bulshada rayidka ee Maxamuud, wax ka asaasay weli qeybo ayaa shaqeeya.

    Heshiiskii Qaahira ee 1997 xubnihii ku guuleystay in ay gorgortan ku qaadaan ‘‘khadkii cagaarnaa’’ ee kala qeybinayey Waqooyiga iyo Koonfurta Muqdishu ayuu noqday. Qaadidda ‘‘khadka cagaaran’’ ayaa aheyd isbaaro weyn oo nolosha iyo isu—socodka bulshada hortiilay.

    1999-kii Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wax ka aasaasay Mac’hadda Maamulka iyo Maareynta Horumarinta (SIMAD) oo markii dambe Jaamacad weyn oo hadda saddex iyo labaatan(23) sano jirsatay noqday. Maxamuud ilaa 2010 wuxuu ahaa maamulaha Jaamacadda SIMAD.

    2001 ayuu Maxamuud, ku biiray Xarunta Cilmi Baarista iyo Wadatashiga Soomaliyeed (CRD) asagoo Cilmi Baare Sare oo Nabadda iyo dib—u—dhiska ka noqday.

    2008 ayuu loo magacaabay in uu hoggaamiyo Sharikadda Telecom oo markaa aheyd Sharikadda Isgaarsiinta labaad ee dalka ugu weyn. Sidoo kale sharikado kale oo Geeska Afrika ka hirgalay oo gaar loo leeyahay ayuu wax aasaasay.

    2011 ayuu Maxamuud siyaasadda u xuubsiibtay. Wuxuu dhisay Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta. Xubnaha Xisbiga ayaa u doortay April 2011 in hoggaamiyo Xisbiga saddexda (3) sano ee ugu horreysa.

    Bishii August 2012, ayaa loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan ee Baarlamaankii sagaalaad (9) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    September 10, 2012 ayaa Xildhibaanada Soomaaliyeed u doorteen Madaxweynihii siddeedaad (8) ee dalka.

    Wuxuu ku fashilmay dib loo doorto, isagoo Bishii February 2017, isagoo xilka ku wareejiyey Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmajo oo Doorashada uga adkaaday, wuxuuna muddo 5 sano ah ka tirsanaa mucaaradka halganka la galay dowladii Farmaajo.

    Ugu danbeyn waxaa 15 May 2022 loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, isagoo noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee mar kale xilka loo doorto.

    Heerka Xirfadda—Aqoonneed

    1978 – 1981 Bachelor of Technology Jaamacadda Ummadda, Mogadishu, Somalia.

    1986 – 1988 Master of Technical Education Jaamacadda Bhopal, India

    2015 – Doctor of Literature (honorary) Jaamacadda Barkatullah, India

    Cilmi Qoraalleedyo muhiim ah


    • The role of Somali CSOs in conflict and peace – a paper presented in Somali Social Forum Conference held in Mogadishu, 2003

    • Building Structures for Peace: The Banaadir Administration – ACCORD Publication 2009

    • Somalia’s Missing Millions: The Somali Diaspora and its Role in Development, March 2009 UNDP Somalia Publication

    • A History of Mediation in Somalia Since 1988 – an International Peace Building Alliance (Interpeace) Publication 2009

    • Somali Civil Society: Peace Building in a Collapsed State, 2008

    Doorashada Top Xasan Sheekh
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya
    Next Article Itoobiya iyo UK oo noqday dowladihii ugu horeeyay ee u hambalyeeyay Xasan Sheekh

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo