Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa shaaciyey in Madaxweynaha dalkaasi Joe Biden uu go’aansaday inuu agacaabo 9 safiir oo uu ku jiro safiir cusub oo loo magacaabay Soomaaliya.
Safirka cusub oo lagu magacaabo Larry Edward André, Jr, ayaa lagu bedelayaa Donald Yamamoto oo waqtigiisii dhammaaday, isagoo Soomaaliya ka howlgalayay tan iyo bishii July, 2018.
Safiirka cusub Larry Edward André, hore u ahaa safiirka Mareykanka u jooga dalka Jabuuti, isgoo xilkaasi qabtay horraantii sannadkii 2017-kii. Waa Diblomaasi sare oo muddo ku soo dhexjiray Adeegga Arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka.
Dalalka uu safiirka kasoo noqday waxaa ka mid: Jabuuti, Mauritania, Sudan iyo South Sudan oo uu ahaa wakiilka gaarka ah ee dowladda Mareykanka. Wuxuu kaloo ku xigeen ka noqday xafiiska Mareykanka ee Afrika.
André, wuxuu fursad u helay in seddaxdii madaxweyne ee Mareykanka ee ugu dambeeyay uu u noqdo wakiil, ugana howlgalo dalal Afrika ku yaalla.
Larry Edward André, Jr, Wuxuu dhashay sannadkii 1961. Shahaadada koobaad ee jaamacadda wuxuu 1983, ka qaatay Machadka Claremont McKenna ee California. Sannadkii 1988-dii ayuu qaatay shahaadada labaad ee Jaamacadda, oo culuumta Siyaasadda uu ka bartay Machadka Maamulka iyo Maareynta Caalamiga ah ee Arizona.
Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka wuxuu ku biiray 1990-kii, wuxuuna ka howlgalay Nigeria (1990-1992), Cameroon (1992-1994), iyo Aasiya oo uu ka soo shaqeeyay Bangladesh (1994-1998).
Ka dib markii la dallacsiiyay, wuxuu madaxa maamulka ka noqday Safaaradda Mareykanka ee dalka Guinea, laga soo billaabo 1998 illaa 2000; ka dib wuxuu noqday sarkaalkii dhanka Bay’ada iyo deegaanka ee bariga Afrika, wuxuuna fadhigiisu ahaa magaalada Addis Ababa.
Wuxuu xilligaas qaabilsanaa illaa 14 dal oo Bariga iyo bartamaha Afrika ah, wuxuuna shaqadaa hayay 2000 illaa 2002. Wuxuu sidoo kale noqday ku xigeenka madaxa howlgallada Safaaradda Mareykanka ee Sierra Leone, 2002 illaa 2004.
Sannadkii 2004 illaa 2006, wuxuu Larry Edward André, Jr, ku noqday magaalada Washington DC, wuxuuna ahaa ku xigeenka agaasimaha Wasaaradda Arrimaha dibadda u qaabilsanaa Galbeedka Afrika. Wuxuuna muudo kooban ka soo shaqeeyay dalka Ciraaq, sannadkii 2005.
Markii uu Afrika ku soo noqday, waxaa laga dhigay qunsulkii safaaradda Mareykanka ee Nairobi, 2006 illaa 2008. Ka dib ayaa loo diray saraafadda Tanzania oo uu ka ahaa ku xigeenka madaxa howlgallada, 2008 illaa 2010.
Haddana Markale ayaa dib loogu celiyay Washington, Larry Edward André, Jr, oo la dallacsiiyay waxaa laga dhigay ku xigeenkii madaxa Arrimaha Afrika u qaabilsan Mareykanka, 2010 illaa 2011.
Wuxuu ka dib noqday ku simihii iyo agaasimihii xafiiska wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsanaa Sudan iyo South Sudan, 2011 illaa 2013.
André wuxuu guursaday Salma Rahman, oo iyadana arrimaha caalamka uga shaqeysa Dowladda Mareykanka, waxayna isu dhaleen, Ruhiyyih Rahman André. Wuxuu si wanaagsan ugu hadlaa luuqada Faransiiska.
