Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Maxaad ka taqaan Saraakiisha Ajnabiga ah ee Muqdisho ka ugaarsatada Jirka is-miidaamiyeyaasha Alshabaab..?!

    Maxaad ka taqaan Saraakiisha Ajnabiga ah ee Muqdisho ka ugaarsatada Jirka is-miidaamiyeyaasha Alshabaab..?!

    July 7, 20183 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waa saraakiil ajnabi ah oo si weyn u qalabeysan, waxaa loogu yeeraa khabiiro qaraxyada ku takhasusay, mid waliba wuxuu ku raran yahay qalab ciidan iyo jaakado rasaastu karin, waxaana lagu arkaa inta badan goobaha ay ka dhacaan qaraxyada ee is-miidaamiyeyaashu Shabaabka naftooda ku haligaan 

    Dan kama gelin dadka dhintay, naxariis uma hayaan, mana gargaaraan dadka dhaawacmay, haddana iyagaa ugu horeeya goobta, shaqadoodu maaha ammaanka iyo nabadgelyada dadka iyo dalka Soomaaliyeed, mana aha Soomaali laakiin shaqo weyn ayaa ka soo gashay qaraxyada iyo is-qarxiyeyaasha ay ugaarsadaan jirkooda…!!!.

    Waxay leeyihiin ciidamo  Soomaali ah oo la shaqeeya oo mararka qaarkood howshaas ay dowladahooda u soo dirsadeen gacan ka siiya ama u qabta, siiba meelaha halistooda badan tahay, ciidamadaasi Soomaalida ah waxaa mushaarka siiya dalalka ay ka socdaan saraakiishaas ajnabiga ah ee ugaarsata jirka is-miidaamiyeyaasha.

    Dadka aan ka hadlayo waa saraakiil caddaan ah oo kaliya lagu arko meeshii uu Muqdisho qarax ka dhaco ee la isku miidaamiyo, waxaana la keenaa isla marki qaraxyadu dhacaan, waxayna qaataan qeybo ka mida  jirka is-miidaamiyeyaasha Alshabaab ee is qarxiya si ay  baaritaan ugu diraan, una aqoonsadaan.

    Waxay ka socdaan hay’adaha sirdoonka iyo dembi baarista dalalka reer galbeedka, waxaana ugu badan Mareykanka, Ingiriiska, Holland iyo dalal kale oo Yurub ah, dhexdooda xiriir wada shaqeyn ayay leeyihiin waxayna dalalkooda u hayaan howl adag oo ah inay aqoonsadaan qof waliba oo is qarxiyay si loo hubiyo inuu ka mid yahay liiska xubnaha dalalkooda ku tuhunsan yihiin argagixisada ay baadi goobayaan.

    Liiska ay hayaan Hay’adaha Sirdoonka dowladaha reer Galbeedka waxaa marba laga saaraa qofkii ay aqoonsadaan saraakhiishan meydadka la daba dhigay ee qaabilsan hubinta  jirka meydadka ay baaritaanka u qaataan kadibna  ka hubiyaan hide sidaha DNA-da ee dadka lagu aqoonsado.

    Waxay dalalkooda u hayaan howl qaran, waxayna ammaanka dalalkooda ka sugayaan gudaha Soomaaliya, halka ciidamadeena ay saraakiishaasi waardiye ka yihiin oo howshooda u fududeeyaan si ka badan gudashada xilkooda ahaa inay ka shaqeeyaan nabadgelyada dadkooda.

    Marka aad aragto qaabka loo ilaaliyo saraakiisha danahooda qaran iyo ammaankooda dadkooda u jooga Muqdisho, waxaa cad inay ka muhiimsan yihiin muwaadiniinta dalka ay joogaan, waana dhibaato weyn oo marka aad ogaato ay kuu soo baxeyso heerka qiimaha qofka Soomaalida ahi taagan yahay.

    Waxaa la yaab leh in warbixinta iyo caddeymaha ay ururiyaan aysan la wadaagin dowladda Soomaaliay iyo Hay’adaheeda amniga sida uu sheegay taliyihii hore ee NISA C/llaahi Sanbaloolshe, waana shaqo xanuun leh oo ka dhex socota dhiigga badan ee ka daadanaya dadka Soomaalida.

    SAWIRRO SARAAKIISHA OO SHAQADOODA WATA

    Waxa diyaariyay: Wadani.net

    Ajnabi Muqdisho Otto Otto Qarax Saraakiil Ajnabi Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAl Shabaab fighters attack Somalia police HQ after twin bombings [Photos]
    Next Article Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo booqasho taariikhi ah uga bilaabatay dalka Eritrea [Daawo Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo