Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Maxaad ka taqaan shaqsiyadda Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka Xaliimo yarey (Taariikh iyo Faaqidaad)

    Maxaad ka taqaan shaqsiyadda Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka Xaliimo yarey (Taariikh iyo Faaqidaad)

    July 28, 20153 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (Yarey) waxay ka mid noqotay shaqsiyaadka ka dhex muuqda siyaasadda dalka kadib markii ay ka soo gashay dhinaca ururada bulshada rayidka ah, wuxuuna doorkeedu bilowday xillgii la xulayay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 2012 oo ay madax ka noqotay guddi awood badnaa oo Q/Midoobay u xil saartay inuu hubiyo xubnaha Baarlamaanka ka mid noqonaya.

    Halimo-yar
    Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (Yarey) Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Dastuurka

    Shaqsiyadda Xaliimo yarey ka sokow inay ka mid tahay haweenka fara-ku-tiriska ah ee hamiga siyaasadeed ka leh dalka, waxay ku fashilantay inay ka mid noqoto golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo dadaal badan ay u gashay sida weriyaha weyn ee Yuusuf Garaad, balse waxaa labadaba oo beel qura ka soo wada jeeda caqabad ku noqday miisaanka beeleed ee lagu afjaro jagooyinka waaweyn ee qaranka.

    Mar kale waxay Xaliimo yarey ku soo laabatay ururada bulshada rayidka iyadoo lugna kula jirtay dhinaca siyaasadda oo ay gacan-saar weyn la yeelatay madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxda u dhow, waxayna mar kale madax u noqotay guddigii farsamada ee dhismaha maamulka Galmudug oo ahaa shaqadii ugu dambeysay ee ay soo qabatay. Guddigaas oo caqabado badan kasoo wajaheen waxay ugu danbeyn ku guuleysatay inay ka soo dhalaasho howshii loo diray, taasoo dhalisay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiirkiisa arrimaha gudaha C/raxmaan Odowaa ay taageero buuxda la garab istaagaan.

    Ka mid noqoshada Xaliimo Yarey ee guddiga Doorashooyinka oo weli muran badan ka taagan yahay waxaa u soo magacaabay oo sabab u ahaa madaxweyne Xasan Sheekh oo xiriir gaar ahi ka dhaxeeyo olole balaaran ayuuna u galay inuu Baarlamaanku ansixiyo kadib markii xildhibaano badan ka hor yimaadeen in lagu soo  daro Guddiga Doorashada.

    Shalay oo taariikhdu ahayd 27-ka July 2015 ayaa Xaliimo Ismaaciil loo doortay inay noqoto Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, haddaba hoos ka akhriso taariikh nololeedkeeda.

    Maxaad ka taqaan Xaliimo Yarey

    Xilalkii ugu danbeeyay

    Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) waxaa ay baratay cilmiga beeraha, iyadoo shahaadooyin ka qaadatay Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacad ku taalo dalka Talyaaniga.

    Waxay ka qalin jebisay sanadkii 1981 Jaamacadda umadda Soomaaliyeed, iyadoo baratay Cilmiga beeraha.

    Waxay Shahaadada Master-ka ee cilmiga dhaqaalaha iyo Beeraha ka qaadatay Jaamacadda Turino ee dalka Talyaaniga 1984.

    Khibrad Shaqo

    • Isu duwe Goboleedka ee hay’adda talyaaniga ah ee samafalka CISP.
    • Xiriiriyaha Bulshada ee xafiiska Qoyska iyo caruurta ee gobolka Miniblis-Minesota 2000-2007
    • Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Maamul u sameynta Gobolada Dhexe
    • Guddoomiyaha Midowga Ururada bulshada ee Soomaaliyeed
    • Gudoonka Guddigii Farsamada ee xulista iyo baarista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
    • Guddoomiyaha guddiga Madax-banaan ee doorashooyinka Qaranka.

    Luqadaha ay ku waxaa ka mida  Talyaaniga, Ingiriiska iyo luqadeeda hooyo ee Soomaaliga.

    Xaliimo yarey waxaa lagu tilmaamaa haweeney hal-adag oo leh karti waxqabad balse talo-qaadashada aan jecleyn, guddiga xasaasiga ah ee hadda ay xilkiisa qabatayna waa meel ay Soomaali badan raadinayeen, lase arki doonee sida ay xilkan culus u gudato haddiiba sidii loogu talogalay ay u suuragasho inuu shaqeeyo.

    Diyaarintii bahda Wadani online

    Xuquuqdu waxay u dhowran tahay Wadani.com

    [ad name=”HTML-1″]

    Maxaad ka taqaan Xaliimo yarey Xaliimo yarey
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWarbixin ku saabsan Baarlamaanka Federaalka oo wada qorshe muddo kororsi ah
    Next Article Xubno ka tirsan Alshabaab iyo Hub kala duwan oo lagu qabtay Baydhaba

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo