Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Maxaad ka taqaan Siyaasiyiinta ugu saameynta badan dowladda Farmaajo iyo Kheyre..? [Faaqidaad]

    Maxaad ka taqaan Siyaasiyiinta ugu saameynta badan dowladda Farmaajo iyo Kheyre..? [Faaqidaad]

    April 28, 2017Updated:June 5, 20172 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo waxay ka dhigan tahay isbedel weyn oo ku yimid siyaasadda Soomaaliya.Doorashadii lama filaanka ahayd ee Farmaajo waxay meesha ka saartay beelo gaara oo xilalka madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha u xirnaa kuwaasoo dowladihii dalka isaga danbeeyay burburka kadib awoodda lagu qeybsan jiray, ilaa heer ay gaarto in la aamino in cid aan kasoo jeedin beelahaasi madaxweyne ka noqon karin Villa Somalia.

    Arrintu waxay sii laba kacleysay markii Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Ra’iisal wasaare nin kasoo jeeda beel aan lagu tirin jirin kuwa is laheysiiyay jagooyinka sare ee dowladda, waxayna noqotay jugtii labaad ee ku dhacday beelihii waaweynaa.

    Intii lagu jiray dhismaha xukuumadda iyo muddooyinkii ka danbeeyay waxaa soo if-baxay  siyaasiyiin kala duwan oo galaan ku leh dowladda cusub, qaarkoodna ay fure yihiin madaxda sare (Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha), waxaana ka mida.

    XILDHIBAAN MUSTAF DHUXULOW: Waa xildhibaan in muddo ah ku soo jiray siyaasadda oo xilal wasiiro kala duwan kasoo qabtay tan iyo xukuumadii C/llaahi Yuusuf, waxaa hadda lagu tilmaamaa siyaasiyiinta ugu saameynta badan dowladda cusub ee geed-fadhiga u ah. Xildhibaan Mustaf ma qarsan arrintan waxaana mar waliba lagu arkaa shirarka iyoxafladaha xukuumadda iyo Gobolka Banaadir, waxayna dadka qaarkii ugu yeeraan nin ka shaqo badan wasiirada qaarkood oo dusha ka haga shaqada xukuumadda.

    XUSEEN MACALIN MAXAMED: Waa la-taliyaha madaxweyne Farmaajo ee dhinaca amniga Qaranka, wuxuuna ka mid ahaa mas’uuliyiintii ugu horeeyay ee la magacaabo, waxay saameyntiisa soo baxday kadib markii uu si weyn ugu lug yeeshay Qorshaha Amniga Qaran ee muranka ka dhashay, waxaa la sheegaa inuu la wareegay shaqadii wasiirada Gaashaandhiga iyo Amniga Gudaha oo uu yahay mas’uul idman oo madaxweynuhu leeyahay.

    C/RAXMAAN YUUSUF CEYNTE: Wasiirkii hore ee Qorsheynta, ahna siyaasi da’ yar oo dad badan xushmeeyaan wuxuu ka mid noqday dadka ugu saameynta badan dowladda Farmaajo iyo Kheyre, waxaana lagu tilmaamaa ninka xogta u haya madaxweynaha, isagoo ka dhex muuqday inta badan safarradii dibadda ee Farmaajo. Wasiir Ceynta waxaa loo saadaaliyay in loo magacaabi doono safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, laakiin ma cadda inuu sidan kula shaqeyn doono madaxweynaha iyo in kale.

    Xanta suuqa u gashay dowladdan ayaa ah mid ku dhisan XIGTO oo lagu bedelay tii kooxeysiga ku dhisneyd ee Xasan Sheekh, waxaase la arki doonaa halka ay xaajadu ku dambeyso.

    FAAQIDAADDA GOOBJOOGE.COM

    C/raxmaan Ceynte Kheyre Murusade Mustaf Dhuxulow Siyaasiyiinta dowladda Top Xuseen Macalin
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKenya, Ethiopia Using Excessive Force Against Somali Civilians (Report)
    Next Article La-taliyihii Madaxweyne Donald Trump ee xilka laga qaaday oo Eedo cusub lagu helay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo