Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Maxaad ka taqaan taariikhda Magaalada barakeysan ee Qudus, Falastiin..? [Akhriso]

    Maxaad ka taqaan taariikhda Magaalada barakeysan ee Qudus, Falastiin..? [Akhriso]

    December 8, 20173 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qudus waxay kamid tahay Magaalooyinka ugu qadiimsan Caalamka. Wuxuu Cumrigeeda ku dhowayahay 5-Kun oo Sano waxayna Saldhig usoo noqotay Diimaha Islaamka, Kirishtanka iyo Yuhuudda. Qudus, Jerusalem, Yabuus, Kaaptooliya, Sahyuun, iiliyaa iyo Baytul-Maqdas waa Magacyo kala duwan oo wada tilmaamayo halkaan Magaalo waxana kusoo magacaabay Ummadihii kala duwanaa ee soo maray. Qudus oo Micnaheedu yahay Magaalo Barakeysay waxaa Magaceeda lagu xusay Kutubka Toowtaarka 680-Jeer.

    Markii ugu horeysay Taariikhda, 2500 oo Sano Miilaadiyada kahor Magaalada Qudus waxaa degay Reer Kancaan oo ah Qabiilo Carbeed. Miiladiyada kahor 1600 oo Sano, Qudus waxa ka talinayay  Masaarida uu Fircoon hoggaaminayay, waxana talada uga dambeeyay Yuhuudda oo Qudus ka talineysay 73-Sanadood.

    Miilaadiyada 977-Sano kahor, waxaa Magaalada Gacanta ku dhigay Nabi Suleyman Caleyhi-Salaam oo ka talinayay 40-Sano, waxana uga dambeyay Wiilkiisii Suleymaan ahaa Caleyhi-Salaam oo isaguna gacanta ku hayay 33-Sano. Nabi Suleymaan kadib Qudus waxa kasoo taliyay Boqortooyoyinkii Baabilyoon, Beershiya, iyo Roomaaniya, waxayna ku jirtay Gacanta Roomaanka ilaa Islaamku kala wareegay.

    Sanadkii 621-dii Miilaadiyada Qudus waxay Marti-Gelisay Booqashadii Nabi Muxamed Sallallaahi Calayhi Wasallam oo laga dheelmiyay Kacbada Barakeysan loona dheelmiyay Masjidul-Aqsa. Khilaafadii Cumar Binu Khaddaab, Magaalada Qudus oo loo aqoon jiray iiliyaa waxaa furtay Muslimiinta oo uu hoggaaminyay Abaa-Cubdeydah Caamir Binu-Jarraax, wuxuna Cumar Magaceeda u bedelay Qudus, waxana uga dambeeyay Dowladihii Amawiyiinta iyo Cabaasiyiinta waxayna saldhig u aheed Islaamka iyo Dhaqanka Carabeed Qarni iyo Bar kadib Magaaladu waxaa ku loolamay Dowlado yaryar oo Muslimiin ah waxayna ugu dambeyn gacanta u gashay Dowladdii Salaajiqada Sanadkii 1071-dii.

    Qudus waxay markale marti-gelisay loolan u dhexeeyay Dowladihii Salaajiqada iyo Faadimiyiinta, waxaana xurguftaas ka faa’ideestay Kirishtanka oo Magaalada qabsaday kuna dilay in ka badan 70-Kun oo Muslimiin ah Sanadkii 1099-kii. Sanadkii 1187-dii Miilaadiyada ayuu Salaaxu-Diin Al-Ayuubii Magaalada kusoo celiyay Gacanta Musliminta, kadib Dagaalkii Xidiin ee uu Kirishtanka la galay, wuxuna dib u dhis ku sameeyay Magaalada.

    Markuu Salaaxu-Diin dhintay ayay Kirishtanku mar kale dib u qabsaden waxayna heesten 11-sano waxana kasoo celiyay Najmu-Diin Ayuub Sanadkii 1244-tii. Sanadkii 1516-dii Falastiin waxay Gacanta u gashay Dowladdii Cusmaaniyiinta oo heeystay ilaa iyo Dagaalkii Koobaad ee Adduunka oo lagu jebiyay Dolwaddii Cusmaaniyiinta.

    Dagaalkii Koobaad kadib Falastiin waxaa qabsay Ingiriiska wuxuna u sameeyay Ismaamul Gudaha ah oo uu Caasimad uga dhigay Magaalada Qudus, waxayna Qaramada-Midoobay Qudus u aqoonsaden Caasimadda Falastiin Sanadkii 1947-dii, waxaana Qudus xiliyadaas kusoo qulqulayay Muhaajiriin Yuhuud ah. Sanadkii 1948-dii Ingiriisku wuxuu iclaamiyay inuu isaga baxayo Falastiin oo aan laheyn Ciidan iyo Siyaasad dhisan, waxana jaaniskaas ka faa’ideestay Yuhuudda oo ku dhaqaawday Dowlad cusub oo Caasimaddeedu tahay Qudusta-Galbeed halka Qudusta-Barina ay Gacanta ugu jirtay Dowladda Urdun, waxana Qudus si toos ah ula wareegay Yuhuudda kadib Dagaalkii Lixda Maalmood socday ee dhex-maray Yuhuudda iyo Cabarta Bishii Juun ee Sanadkii 1967-dii.

    Tirakoob la sameeyay 1948-dii Falastiiniyiintu waxay Magaalada ka deganaayeen 88.5%, halka Yuhuuduna ka deganed 11.5% kaliya. Wixii xiligaa ka dambeyay Yuhuuddu waxay kusii fidayeen Magaalada ilaa Mareykanku u aqoonsaday Caasimadda Yuhuudda. Qudus waa Magaalo Muslimiin, ha yeeshee Diimaha kala duwan waxay uga dhigantahay meel Barakeysan oo mudan in la hanto.

    Sooyaalka Taariikhdeduna wuxuu ku tusayaa inay markaste Gacanta ugu jirtay Qolada markaas Gacan-Sareysa. Magacaabisteduna ma ahan Qadiyad Siyaasadeed ee waa Loolan Diimeed oo soo jireen ah. Shalay Qudus waxay Gacanta Muslimiinta uga baxday Qoray-Caaraddii, Maanta isla Dariiqaas ayay kusoo Laaban kartaa.

    W/Q: Eng. Xuseen Sabriye.

    Falastiin Isreal Magaalada Qudus Qudus
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDowladda Soomaaliya oo wafdi sare u dirtay xuska Maalinta Qowmiyadaha Itoobiya
    Next Article Bannaabax looga horjeedo madaxweynaha Mareykanka oo ka socda Magaalada Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo