Diidmada ay xildhibaanada qaar kala hor yimaadeen xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa fasiraad kala duwan laga bixiyay, iyadoo xildhibaanada hormuudka ah arrintan ay qaarkood is shaaciyeen, halka qaar kale ay qarsoon yihiin.
Ujeedada ugu weyn ee keentay in xildhibaanadan mucaaradaan xukuumadda Kheyrre soo magacaabay aya ah mid salka ku heysa in xildhibaanada qabqableyaasha ahaa aan lagu soo darin xukuumaddan, isla markaana ay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre raadsadeen shaqsiyaad cusub.
Xildhibaanada ay ka go’an tahay dagaal siyaasadeed ay la galaan xukuumadda ee doonaya inay jilbaha u dhigaan waxaa ugu horeeya C/llaahi Goodax Barre oo ah xildhibaanka abaabulka iyo qoraalada sameeya, inkastoo aanu is shaacin.
Waxaa kaloo ka mida xildhibaanada kala ah: Daahir Amiin Jeesow, Cusmaan Xaaji Cali, Cismaan Cilmi Boqorre, Cismaan Aadan Dhuubow, Idiris Cabdi Dhaqtar, Mina Xasan Shibis iyo xildhibaano gaaraya oo markii hore taageero ka heleen.
Xildhibaano badan ayaa dareemaya in madaxda cusub ee dowladda ay ka abaal dhaceen, isla markaana si ixtiraam darro ah ula dhaqmeen, iyadoo madaxweyne Farmaajo albaabada ka xirtay, taasoo ku qaaday inay awooddooda tusaan ama ciriiri geliyaan.
Xildhibaanada oo markii hore helay tiro badan oo siyaabo kala duwan loogu qanciyay inay saxiixaan talo soo jeedinta wax ka bedelka xukuumadda ayaa kadib waxaa soo wajahay in la kala furfuro markii olole weyn ay galeen wasiirada magacaaban, madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, waxaase xaqiiqo ah in imtixaan siyaasadeed ay marsiiyeen Ra’iisal wasaaraha.
Wadani.com