Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Maxaan ka baran karnaa xarigga Weriyayaasha?

    Maxaan ka baran karnaa xarigga Weriyayaasha?

    October 7, 20154 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Si wanaagsan ayaan Online ugu daawaday Doodwadaag uu fahamkeygu yahay in uu ahaa barnaamijka ay NISA ku tilmaantay lif hore ayaa laqanyo kiciya.

    Barnaamijka marka aan qiimeeyo aniga oo weliba ku eegaya il cillad raadis ah, wuxuu yeelan karaa laba dhaliil. Cilladahaasi waxay yihiin in Barnaamijka lagu marti qaaday laba Xildhibaan oo isku ra’yi ah inta badan, marka ay kala ra’yi duwan yihiinna aad isugu ra’yi dhow.

    Waxay ahayd in mid uun la soo fariisiyo oo ay dadku s’uaalo weydiiyaan. Waxaase ka sii qurux badnayd in la keeno laba xildhibaan oo kala aragti iyo mowqif duwan si ay dood u noqoto oo dhinac kasta arrinta looga eego.

    Dhaliisha labaad waxay ahayd in Barnaamijku uu si dadban u dhiirri gelinayay in ay dhallinyaradu kacaan oo dagaal ama ugu yaraan ay farasaar ku dhaqaaqaan.

    Khaladdaadkaas waxaa xallin karay soo saaraha iyo Tifatiraha Barnaamijka ama midkood. Ma ugu talo galeen in aanay sixin mise wey ka hoos baxday? Taa anigu kama jawaabi karo.

    SI kastaba ha ahaatee, anigu ma arko sida ay xal u noqoneyso in la xiro weriyayaasha iyo in ciidan lagu dalbado in ay xiraan xafiiska Muqdisho ee TV-ga Universal.

    Casharro dhowr ah ayaa laga baran karaa xarigga Cawil iyo Cabdullaahi, isku deyga u qiil dayidda xarigga iyo weliba sii deyntooda.

    Casharka Laamaha Dowladda

    Saxaafaddu waa xor marka ay sharciga u hoggaansan tahay. Wasaaradda Warfaafintu waa hey’adda Dowladda u qaabbilsan Warbaahin oo dhan. Laamaha kale ee Dowladda oo dhan waa in ay iyadu ka xigsataa weriyayaasha. Taas macnaheedu ma ahan in weriyayaasha laga deynayo u hoggaansanaanta sharciga. Laakiin waa in ay iyadu taas xaqiijisaa. Waa in ay ruqsadda bixiso, digniin bixiso, ganaax soo rogto, wadashaqeynta ka goosato, shatiga la noqoto iwm.

    Haddii ay u taag weydana iyada oo sharciga mareysa sida Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadaha waa in ay la kaashataa ciidanka oo ay habboon tahay in ay ahaadaan booliiska. Marka la arko Nabadsugid iyo weriyayaal qoorta iskula jira, su’aashu waxay noqoneysaa – miyaan Dowladdu lahayn hey’ad Warbaahinta u qaabbilsan oo rayid ah?

    Tan kale, tallaabadani waxay lid ku tahay kalsoonida ay saxaafaddu ku qabi karto dalka. Saxaafadda shisheeye iyo midda Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ka shaqeysaa kuma soo dhiirran kari doonto in ay dalka u soo guuraan ama ay ka dhistaan Istuudiyayaal waaweyn.

    Ogowna, sharikad kasta oo dooneysa in ay dalka soo degto dadka ugu horreeya ee ay dalka ka wareysato waxaa ka mid ah weriayayaasha iyo diiblomaasiyiinta.

    Ugu dambeyn Xuquuqda Muwaaddinka Soomaaliyeed ma ahan in lagu xadgudbo, oo marka la dhibsadoba la xiro iyada oo aan sharciga la eegin. Ayaan ka dibna la sii daayo.

    Saxaafad xor ah, mar kasta wey ka careysiisaa Dowladaha, laakiin qaanuun ayay ku dhisan tahay oo daafac.

    Casharka Saxaafadda

    Inkasta oo aanay marinkeeda ahayn, oo la rabay in Warfaafintu ay shaqadaas qabsato, haddana NISA waxay soo jeedisay eedeymo culculus oo ku wajahan Saxaafadda guud ahaanba. NISA caddeyn ma soo raacin, laakiin weriyayaasha qaarkood iyo idaacadaha iyo baraha Internetka qaarkood dadka ka shaqeeya ama la macaamilay iyo weliba dadweynaha qaarkiis wey og yihiin in ay saxaafadda ku jiraan qaar ku dhaqma si aan waafaqsaneyn anshaxa saxaafadda.

    Bahda saxaafadda, waxaa la gudboon in ay fahmaan in inkasta oo weli ay sharci darro iyo xad gudubyo ka jiraan dalkeenna, in haddana uu dalku ku sii luudayo dhinaca sharciga. Marka waa in ay isbeddelkaas la jaanqaadaan.

    Taas macnaheedu ma ahan in ay ka gaabsadaan khaladdaadka Dowladda ama cid kale ay ka galeyso dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Waa in ay ka hadlaan welibana ay tooshka ku ifiyaan ciddii xad gudub wadda. Laakiin taas waa in ay sameeyaan iyaga oo xaqiijinaya in barnaamijkoodu uu dheelli tiran yahay, ujeeddada Barnaamijkuna ay tahay in wax la saxo ee aanay ahayn in qof ama hey’ad lagula diriro ama looga aargoosto.

    Taas ulama jeedo in eedeynta NISA ay sax tahay. Laakiin waa in saxaafddu ay isa saxdaa, si mar kasta oo la qabto ay u noqoto in laga gardaran yahay.

    Casharka Inta caddaaladda jecel

    Dad badan oo ka qeyliyay xarigga labada weriye waxaan ku dhiirri gelinayaa in mar kasta oo muwaaddin la xiro, ay u kuur galaan isla markaana ay ka qeyb qaataan in muwaaddinka xuquuqdiisa la sugo lana marsiiyo waxa uu sharcigu qabo.

    Intii qof sharci darro ku xiran laga aammusi lahaa, waxaan ka door bidi lahaa in laga qeyliyo qof kasta oo xariggiisa uu shaki ku jiro in uu sharciga waafaqsan yahay. Waayo Dowladdu haddii ay qiil sharci ah u haysato xarigga, qeylo waxba kama dhibeyso.

    W/Q: Yusuf Garaad

    yusuf-garaad.blogspot.com/

     

    Xarigii Universal Yusuf Garaad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleTaliyaha cusub ee ciidamada Milateriga oo kormeerkiisii ugu horeeyay ku sameeyay hogaanka ciidamada
    Next Article Nabad-doon ka mida Odayaashii soo xulay Baarlamaanka Federaalka oo lagu dilay Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo