Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Maxamed Cumar Carte oo dardar geliyay shirarkii Golaha wasiirada

    Maxamed Cumar Carte oo dardar geliyay shirarkii Golaha wasiirada

    May 27, 2015Updated:September 13, 20202 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shir ay maanta yeesheen  Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa oo uu  shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa looga hadlay arrimaha Amniga, Qaxootiga iyo Ansixinta Hindise Sharciyeed kagu sheegay Ka-hortaga been xalaaleysiga sharci darada ah.

     Wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Sheikh Cali Diini ayaa ka warbixiyey arrimaha amniga isagoo tilmaamay in dowladu ay xoojinayso howlgalka ka dhan ka ah Al-shabaab, ciidamada ku jira aaggaga horena ay habeen iyo maalin u taagan yihiin difaaca dalka, iyagoo jab xun gaarsiiyey kooxaha nabad diidka oo weeraro ku soo qaaday meelo kala duwan sida uu yiri. Wasiirka ayaa ka hadlay safar gaabaan oo ku wehliyey Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo ay shalay ku tageen qaar ka mid ah furumaha ciidanka ee gobolka Shabeelada Hoose.

    guddi

    “Madaxweynuhu wuxuu  kulamo la qaatay ciidanka iyo saraakiisha hogaamisa ciidamadaas, wuxuuna balan qaaday in ciidankii ka dagaalamay Awdheegle la siinayo abaal marin, ciidamada kale ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalkana dowladu markasta ayey u taagan tahay iney  daboosho baahiyahooda qalab iyo nololeed.” ayuu yiri Wasiir Diini. Isagoo dhanka kale xusay in kooxaha nabad diidku ay weerar ku soo qaadeen Ceel Cade oo ka tirsan gobolka Hiiraan, halkaasna looga laayey rag faro badan, waxaana dagaalkaas horumuud ka ahaa dadka deegaanka oo kaashanaya ciidanka milateriga.

    Sidoo kale Golaha aya looga dooday hindise sharciyeedka ka hortaga been xalaalaysiga lacagaha  sharci darada, sharcigaan ayaa ujeedkiisu yahay ka hortaga danbiyad ka dhashay lacagaha la xalaalaysto, iyo lacaga ay isu gudbiyaan dambiilayaasha, waxaana lacagahaas ka yimaadaan dalal shisheeye iyadoo aan la soo marsiin  hay’adaha maaliyadeed ee  dalka.

    Dood dheer ka dib golaha ayaa soo jeediyey in lagu sameeyo sharcigaan dib u eegis, waxaana iska kaashanaya Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Lataliyaha Arrimaha Sharciga Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Khubaro ka socota Wasaaradda Maaliyadda.

    Ugu danbayntii  Wasiirda Hawenka Marwo Sahro Cali Samatay oo ka tirsan gudiga gargaarka qaxootiga ka soo qaxaya Yeman, oo  golaha uga warbixisay howsha guddigu ay qabteen ayaa sheegtay iney ku howlan yihiin samaynta siyaasad lagu dhaqayo qaxootiga oo isugu jira, dad Yemaniyiin ah, dad jinsiyado kale sita iyo Soomaali qaxooti ku ahayd Yemen oo hada u soo barakacaya dalkooda,.

    Shirarka Golaha wasiirada oo muddo hore hakad galay ayaa hadda u muuqda inay dardar yeeshaan tan iyo intii uu safarkii caafimaad dib uga soo laabtay ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte

    Golaha wasiirada
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleQodobada heshiiska Kismaayo ku dhex maray Cumar C/rashiid iyo Axmed Madoobe (Dokumenti)
    Next Article Magaca & Calanka uu qaadanayo maamulka Goboladda Dhexe oo la shaaciyay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo