Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku magacaabayo agaasimihii 8-aad tan iyo intii uu xilka qabtay Febraayo 2017.
Farmaajo ayaa xilka agaasimaha Madaxtooyada u magacabay Prof. Maxamed Cabdullaahi Ciise (Dheere) oo kasoo jeeda Somaliland, waxaana la sheegay inuu leeyahay khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 28 sanadood, si gaar ahna uga soo shaqeeyay arrimaha siyaasadda, maamulka iyo horumarinta bulshada.
Farmaajo ayaa faray Agaasimaha cusub inuu si hufan u guto hawlaha muhiimka ah ee haatan horyaalla, isagoo u mahadceliyay Agaasimihii hore oo loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisaciid Muuse.
Intii uu xilka hayey Maxamed Farmaajo muddo ka yar 5 sano waxa Madaxtooyada Soomaaliya soo martay isbedelladii ugu badnaa, iyadoo 8 agaasime la magacaabay; laba ka mida agaasimeyaasha waxay ahaayeen Kumeelgaar, halka lix kale ay ahaayeen rasmi qaarkoo xilka hayey bil ilaa saddex.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxa asoo martay inaysan dhowr bilood lahayn wax agaasime ah, markii uu xilka isga tegay Nuur Fuursade oo Farmaajo ay is qabteen, kana mid ahaa la-taliyeyaashiisa.
Xilliga kala guurka ee ay dhammaatay sharciyadii hay’adda dowladda iyo tan Madaxweynaha ayey Villa Soomaaliya mareysaa inuu farmaajo maanta magacaabayo agaasimihii saddexaad.
LIISKA AGAASIMEYAASHA SOO MARAY VILLA SOMALIA XILLIGII FARMAAJO AYAA KALA AH:
1- Cali Siciid Fiqi (KMG –Akhriso-)
2- Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle – Wareegto)
3- Fahad Yaasiin Xaaji Daahir (Akhriso)
4- Aamina Siciid CaliĀ (Wareegto)
5- Nuur Diiriye Fuursade (Magacaabid)
6- C/nuur Maxamed Axmed (KMG)
7- Cabdisaciid Muuse Cali
8- Maxamed Cabdullaahi Ciise
