Maahir Jaamac Aadan ayaa loo doortay goor dhoweyd jagada guddoomiyaha ururka ururka saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, kadib doorasho muddo dheer qaadatay oo maanta oo dhan ka socotay magaalada Muqdisho.
Doorashada oo ay codka dhiibanayeen 146 saxafi, ayaa Xilka Guddoomiyaha ururka NUSOJ waxaa isugu soo haray labada musharax ee:
- Maahir Jaamac Aadan 93 Cod
- Aadam Maxamed Salaad (Aadan Kismaayo) oo helay 56 Cod, iyadoo hal codna uu halaabay.
Waxaa guddoomiyaha ururka ku guuleystay Maahir Jaamac Aadan oo ka soo jeeda Puntland, wararka ayaa sheegaya in intii ay doorashada socotay ay goobta ka dhaceen buuq iyo fowdo, iyadoo markii danbe la xaliyay buuq ka dhashay ergada codka dhiibtay.
Doorashad xoghayaha iyo guddoomiye ku xigeenada ayaa la filayaa inay caawa dhacaan..
Wadani.com