Waxaa shalay baraha bulshada qabsaday muuqaallada ciyaaryahan Maxamed Maxamuud Axmed (Sakhraawi) oo ka tirsan xulka Galmudug ee guul weyn ka gaaray dhiggiis Puntland
Sakhraawi wuxuu kasoo jeeda degmada Qandala ee Gobolka Bari, waxaana laga hor istaagay inuu ka mid noqdo Xulka Puntland, taasoo keentay inuu ku biiro xulka Galmudug, isagoo shalay dhaliyey labadii Gool ee Galmudug geeyay Fiinaalka Koobka Kubadda Cagta ee Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Taageerayaasha xulka Puntalnd iyo dadka kasoo jeeda degaandaasi ayaa keenay dood weyn oo ku saabsan sababta Laacib Sakhraawi loogu diiday ka mid noqoshada Xulka Puntland, waxaana la filayaa in dooda arrintan ka dhalatay ay saameyn weyn ku yeelato xiriirka Kubadda Cagta Puntland, Wasaaradda ciyaaraha iyo maamulka Puntland.

HOOS KA DAAWO WARBIXIN KU SABASNA QISADA LAACIBKAN